X
    Categories: Warar

Somaliland Iyo Ethiopia Oo Ka Hadlay Dagaal Khasaare Dhaliyay

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay daga khasaare dhaliyay oo ka dhacay deegaanka dacawalay oo ka tirsan deegaanka Soomaalida Erhiopia.

Deegaanka oo ay ciidamada Liyuu Police ee deegaanka kills Shanaad ee Ethiopia ku lahaayeen dad shacab ah oo asalkiidu kasoo jeeda dhanka Somaliland, waxaana ka dhashay dagaal sababay khasaare baddan, iyadoo ay wararka halkaa laga helayo ay sheegayaan in ilaa 60 qof oo  u baddan dadka shacabka ah, iyadoo dhaawac laga keenay deegaanka lasoo gaadhsiiyay Cusbitaalka Magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale, waxa jira warar sheegaya in  gaadiidka dagaalka ee ay wateen Ciidanka Liyuu Police oo ay ka wareegeen dadka shacabka ee deegaankaa, waxa kale oo wararka deegaanka laga helayo sheegayaan in maxaabiiis ahaan loo qavtay Ciidanka,  wallow aannay Araweelo_News_Network xaqiijin karin jiritaanka wararka ee khasaaraha ka dhacay deegaanka dagaalku ka dhacay.

 

Hase yeeshee Xukuumadda Somaliland oo goor sii horaysay ka hadashay xaaladda ayaa sheegtay in dhanka maamulka dawlad deegaanka ay kala hadleen iyo sidii xaaladda loo qaboojin lahaa. Iyaoo Wasiirka Amniga Somaliland Cabddale Maxqmed Carab ( Sandheere) ugu baaqay dadka shacabka ee deegaanka dagaalku ka dhacay ay dhankooda dejiyaan, Isla markaana ay ka sugayaan dhanka maamulka Jigjiga in ay arrinka gacanta ku dhigaan.

Dhinaca kale, Maamulka dawal deegaanka Ethopia ee kililka Shanaad ayaa war kasoo saaray  xaaladda dagaalka deegaanka Dacawaley oo ka tirsan Gobolka Faafan.
Xog ku saabsan dhacdooyinka ka dhacay, dhulka u dhexeeya degmooyinka xarshin iyo yoocaale.

Waxaa jirtay todobaadkii la soo dhaafnay in lagu dilay hoggaankii nabadgalyada degmada yoocaale AHUN iyo laba qof oo shacab ah dhulka u dhexeeya qabalaha Dacawaleey ee degmada xarshin ee gobolka faafan iyo qabalaha Duudbaydaale ee degmada yoocaale gobolka jarar, dilkaasi oo ay gaysteen dableey hubaysan.

Kaddib hoggaaminta labada gobol ee Jarar iyo Faafan, hoggaaminta labada degmo ee yoocaale iyo xarshin, xildhibaanada kasoo kala jeeda labada degmo, xafiiska nabad-galayda iyo xubno ka mid ah police ka deegaanka ayaa u tagey halkaa in ay xaliyaan dhibkaas dhacay. Ayaa lagu yidhi qoraalka

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay sida ay  maamulka jigjiga u arkaan xalka ee loo waajahayo oo u dhignaa sidan:-
1. Sugidda amniga iyo wacyigalinta bulshada.
2. Soo qabashada gacanku dhiigleayaashii dilka gaystay.
3. Dhamaystirka muran dhuleed oo horay u jiray.
4. Iyo nabadaynta bulshada.

Soo jeedintii talooyinka guddiga ayaa odayaasha, labada dhinac loo bandhigay go’aanka xalka loo soo jeediyay kaas oo laysla qaatay in la fuliyo.

Haddaba markii guddidii u dhaqaaqay fulinta go’aankii la is la qaatay, ayay shalay dablay hubaysan xabadaysay hoggaamintii shaqada ku jirtay, Isla markaana waxa uu dhaawac soo gaadhay askari police ah, mana jirin wax jawaab ah oo ay ka bixiyeen ciidanka police-ku, falkaas sharciga baal marsan ee dablaydu samaysay.

Kaddib na saaka subixii hore ayaa waxaa ay dabley hubaysan weerar ku soo qaadeen, xubnihii ciidanka police deegaanka, ee ahaa staff ka hogaaminta iyo police kii joogay goobta, waxaana la laayay ciidan police ah lana dhaawacay saraakiil dawladeed.

Haya’ddaha amniga Deegaanku waxay ugu baaqayaan shacabka nabadda jecel innay la shaqeeyaan ciidamada Deegaanka iyo maamuladda labada Gobol, si loo dhamaysitro xalkii lagu heshiiyay, dabyladda hubaysan sharci-darradda ahna meesha looga saari lahaa.

Qoraalka waxa soo saaray Xafiiska Nabad-galayda DDS

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post