X

Somaliland Iyo Denmark Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Muhiim Ah

Araweelo News Network.

 

#Somaliland: Kulan Albaabada Loo Xidhay Madaxweyne Biixi Iyo Ambassador Ole Thonke

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan albaabada loo xidhay la yeeshay safiirka dalka Denmark ee Soomaalida, Ambassador  Ole Thonke oo booqasho ku yimi magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Safiirka Denmark Ambassador Ole Thonke, Araweelo News Network, 26 Jan 2021.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Denmark ayaan si dhab ah loo ogayn waxayaabaha lagaga hadlay, balse qoraal kooban oo kasoo baxay kulankaa kaddib qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu xusay qodobo la sheegay in lagaga wada hadlay.

Sida lagu sheegay qoraalka, waxa arrimaha lagu soo qaaday kulankaa ka mid ahaa doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka, kuwaas oo loo asteeyay inay dalka ka qabsoomaan 31/05/2021. Sida ay dhowaan shaaciyeen komishanka doorashooyinka qaranka, isla markaana ay ku raaceen saddexda xisbi qaran, walaw golaha guurtida Somaliland oo loo gudbiyay laga sugayo inay waafajiyaan muda-kordhinta ay hore ugu sameeyeen golaha Wakiiladda.

 

 

Qoraalka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulanka lagu lafo-guray horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca dimuqraadiyadda iyo arrimaha bulshada, iyadoo xukuumadda Denmark qayb ka tahay sanduuqa horumarinta Somaliland ee (Somaliland Development Fund) oo lagu qaadhaamo dhaqaale dhinaca horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo dhiirigelinta ganacsiga yar yar oo ay dhawr dawladood ku caawiyaan Somaliland.

 

 

 

Ambassador Ole Thonke, ayaa xusay inay dal ahaan halkii ka sii wadi doonaan dhaqaalihii ay horeba ugaga qayb qaadan jireen arrimaha bulshada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ka socda, sida lagu sheegay qoraalka.

 

Gebagebadii sida lagu xusay qoraalka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dawladda Denmark uga mahadnaqay dedaalka iyo garab istaagga ay Somaliland la garab joogaan, isagoo si gaara u tilmaamay doorka sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) iyo sidoo kale, dawladda Denmark in ay ka mid noqotay dalalkii ugu horreeyey ee Somaliland ka furta xafiis ka shaqeeya danaha labada dal, kaas oo muddo dheer shaqaynayay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post