X
    Categories: Warar

Somaliland Iyo Britain Oo Kala Saxeexday Heshiisyo Mashaariic Horrumarineed

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) 9 Sep 2019, Qasriga Madaxtooyadda Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Britain, ayaa kala saxeexday heshiisyo mashaariic ay dawladda Britain hore uga waday Somaliland iyo kuwo hada la bilaabayo.

Sidanaa waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed maanta kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kadib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi oo Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Amb. Ben Fender iyo madaxda DFID oo qayb ka ah SDF, 9 Sep 2019.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dawladda Ingiriiska uga mahadnaqay taageerada ballaadhan ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xidhiidhka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay.”

Amb. Ben Fender iyo saraakiisha weftiga Britain, ayaa dhankooda ku bogaadiyay Somaliland horumarka laga sameeyey sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka Dimuqraaddiyadda ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarka, sida lagu xusay qoraalka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi oo Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Amb. Ben Fender iyo madaxda DFID oo qayb ka ah SDF, 9 Sep 2019.


” Madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku kala saxeexdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland.”

Madaxweynaha Somaliland, waxa ku weheliyay kulankaa wasiirada wasaaraddaha Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Horumarinta maaliyadda iyo la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha. Dhinaca weftiga waxa kulanka qayb ka ahaa madaxa xafiiska Ingiriiska ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wakiilka hay’adda DFID ee Somaliland. sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa Maxamuud Warsame Jaamac oo ah Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post