Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Qaar ka mid ah masuuliyiinta uu xilalka ka qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo dhaweeyey tallaabada shaqo-ka-fadhiisintooda, halka dhowr xubnood liiska magacaabista ku jirayna ka cudurdaardeen xilalka cusub ee loo dhiibay.
Wasiirkii hore ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane, ayaa ka hadlay sida uu u arko xil-ka-qaadistiisa, isagoo ka mid ah wasiirro Madaxweynuhu shaqada ka fadhiisiiyey habeenkii Axadda.
“Xilku waa wareegto oo maalinba nin baa qabta, markaa si caadiya ayaan u arkaa, waayo xilku waa wareegto, Madaxweynuhuna wuu ku mahadsan yahay muddadaa uu shaqada ii gartay ee aan u shaqeeyay qaranka. Waxaan wareejinayaa ammaano culus, waxaanan u mahadcelinayaa Ilaahay (SWT) muddadii aan hayey igu asturay,” ayuu yidhi Maydhane.
“Waan soo dhaweynayaa wasiirka cusub ee aan xilka ku wareejinayo, waxaanan Ilaahay uga rajeynayaa inuu ku asturo, aad baan ugu faraxsanahay inaan si qurux badan oo niyad-samaan ah aan xilka ugu wareejiyo wasiirka cusub, waayo xilku waa wareegto, waana ammaano.”
“Madaxweynaha waxaan si niyad-sami ah uga mahadcelinaya muddadii aan la soo shaqeeyay ee aan ka mid ahaa gollihiisa wasiirrada, waxaanan ku hambalyaynayaa Madaxweynaha xilka uu iga qaaday, kuna taageerayaa, waana sunnaha dawladnimo, aad iyo aadna waan ugu faraxsanahay. Madaxweyne sidii aan kuula shaqayn jiray iyo si ka wanaagsan ayaan kuula shaqeynayaa, xisbiga KULMIYE-na sidii ayaan u ahay, mana ahi mid ka tegi doona, isaga ayaanan hawsha la wadi doonaa insha Allaah,” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane.
Dhinaca kale, wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Obsiiye oo u warramay telefiishanka Somali Cable shalay, ayaa ka hadlay sida uu arko xilka wasiirnimo ee loo magacaabay.
“Madaxweynuhu haddii uu ii igmaday in aan ka mid noqdo xukuumaddiisa waan soo dhawaynayaa, haddii Ilaahay yidhaahdana waxa aan ula shaqayn doonaa sidii uu ku jiro horumarka dalka Somaliland iyo shacabkiisu,” ayuu yidhi Obsiiye.
Waxa uu intaas ku daray, “Farriin guud ayaan u dirayaa dadweynaha reer Somaliland oo sida la ogyahay waxa dalka ka taagan abaar ay dadku u dhibban yihiin, waxaanan shacabka kula dardaarmayaa inay wixii taakulo ah ee ay karayaan u fidiyaan, una gurmadaan dadka dhibaatooyinku haystaan.”
Maareeyihii hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis oo isna ka mid ah masuuliyiinta xilalka laga qaaday, ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha erigiisa iyo sidii uu markii horeba shaqada qaranka ugu dhiibay.
“Waxaan aad uga mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo markii horena ii gartay in aan qabto jagada Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, mar labaadna gartay in aan ka nasto xilkaa, masuulka cusub ee xilka loo soo magacaabeyna waxaan Ilaahay uga baryayaa in Alle (SWT) u fududeyo xilka loo igmaday,” ayuu yidhi Mr. Siyaad oo qoraal kooban ku faafiyey barka uu ku leeyahay facebook-ga.
Masuuliyiin ka cudur-daartay xilalka loo magacaabay:
Dhinaca kale, qaar ka mid ah masuuliyiinta uu xilalka u magacaabay Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka cudur-daartay inay qabtaan xilalka loo dhiibay, waxana xubnahaas ka mid ah Mr. Cabdiqaadir Maxamuud Dhega-weyne oo sheegay in aannu ku qanacsanayn xilka loo magacaabay oo ah Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga.
“Waqtigan xaadirka ah diyaar uma ahi xilkaas sababo badan awgood, xilkaasna maan ogayn, cidna igalama tashan, cidna ilama soo socodsiin, markaa 100% waxa aan diyaar u ahay in aanan xilkaas qaban…Aniga, reerkayga iyo cidda wax ila wadayba xilkan iskumaan ogayn ee wax kale ayaan isku ogayn, sidaa darteed xilkaas ma qaadanayo,” ayuu yidhi Mr. Dhegayweyne oo saxaafadda la hadlay isagoo ku sugan magaalada Dubay ee dalka Imaaraadka Carabta.
Mr. Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro) oo loo magacaabay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa isna diiday inuu xilkaas qaabto.
Balse Sida lagu sheegay warsaxaafadeed soo baxay xalay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka aqbalay go’aanka Axmed Tiimbaro kaga cudur-daartay xilka loo magacaabay.
Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-
Ujeeddo: Aqbalaad Istiqaalad
Ku: Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro)
Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa
Mudane,
Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada.
Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Masuuliyiin beeniyey inay qaadaceen xilalka loo dhiibay:
Mr. Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi oo isna ku jiray liiska wasiirrada Madaxweynuhu magacaabay, ayaa saacadihii hore ee isku shaandhayntu soo baxday diiday inuu qabto xilka wasaaradda cusub ee Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland.
Hase ahaatee, waanwaan lala galay, kadib waxa lagu qanciyey inuu xilkaas qabto, waxaannu saxaafadda u caddeeyey inuu ogolaaday xilka Madaxweynuhu u magacaabay, waxaannu yidhi; “Waxa aan u mahadnaqayaa Madaxweynaha Somaliland ee ii magacaabay amma ii gartay xilkan, aniguna waan ku qanacsanahayin aniga oo dhallinyaro ah uu ii magacaabo xilka wasiirnimo, markaa waan oggolahay, waanan ku qanacsanahay.”
Wasiirul-dawlaha cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Md. Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa isna beeniyey warar suuqa la soo geliyey oo ah inuu xilkaas diiday, “Waxa aan halkan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha qaranka Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ii gartay in aan noqdo Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, anniga oo horena u ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, markaa aad ayaan Madaxweynaha uga mahadcelinayaa, aniguna diyaar ayaan u ahay in aan u shaqeeyo qarkayga Somaliland,” ayuu yidhi Mr. Warsame.