X
    Categories: Warar

Somaliland: Isku Beddel, Shaqa Ka Eryid Iyo Magcaabis Lagu Sameeyay Garsoorayaal Iyo Xeer-Ilaaliyayaal Ka Hawlgelayay Hay’addaha Garsoorka Dalka

Hargeysa(ANN)Guddida Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa meel mariyay isbedel ku waajahan garsoorayaal iyo xeer-ilaaliyayaal cusub oo la magacaabay, beddel garsooyaal iyo kuwa shaqada laga eryay, sidaana waxa lagu shaaciyay qoraal lagu faafiyey go’aankaas oo ka soo baxay 13 April 2015, xafiiska Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.

Go’aanka Guddiga Caddaaladda ee garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha la magacaabay, kuwa shaqada laga eryay iyo kuwa laysku beddelay oo nuqul ka mid ah warbaahinta loo qaybiyay, wuxuu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-

“Wasaaradda Caddaaladdu, iyadoo cuskanaysay qodobka 106aad ee Dastuurka qaranka, farqaddiisa 1aad oo qeexaya inay Wasaaradda Caddaaladdu u xilsaaran tahay fulinta go’aannada Guddiga Caddaaladda.

Qodobka 1aad: magacaabid garsoorayaal:

Yuusuf Liibaan Cumar waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sanaag
Maxamed Cabdillaahi Kabadhe waxa loo magacaabay garsoore Maxkamadda Degmada Hargaysa.

Qodobka 2aad: Beddel Garsoorayaal:

Cabdiraxmaan Maxamed Mowliid waxa laga beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargaysa, waxana loo beddelay garsoore Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex.
Mukhtaar Daahir Jibriil waxa laga beddelay garsoore Maxkamadda Degmada Sallaxley, waxana loo beddelay garsoore Maxkamadda Degmada Saylac
Ilyaas Daa’uud Ibraahin waxa laga beddelay garsoore Maxkamadda Saylac, waxana loo beddelay garsoore Maxkamadda Degmada Sallaxley.

Qodobka 3aad: Ansixin iyo beddel ku-xigeenno Xeer-ilaaliye Guud:

Aadan Salaad Seed waxa lagu ansixiyay beddelka loo beddelay ku-xigeenka Xeer- ilaaliyaha Guud ee Gobolka Maroodi-jeex
Yuusuf Biixi Muxumed waxa laga beddelay ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Saaxil, waxaana loo beddelay madaxa xafiiska ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Gabiley.

Xuseen Cali Khayre waxa laga beddelay ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Maroodi-jeex, waxana loo beddelay ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Togdheer.

Qodobka 4aad: Shaqo-ka-saarid:

Garsoore Cabdisalaan Xaaji Xirsi waxa laga saaray shaqadii garsoorka,” ayaa lagu yidhi qoraalka faafinta go’aanka Guddiga Caddaaladda Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post