X

Somaliland: Isbahaysiga Mucaaradka Oo Kasbaday Xildhibaan KULMIYE Uga Soo Baxay Awdal Oo Taageeray Doonistooda #Shirguddoonka Gollaha Wakiillada

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane oo ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE ee muxaafidka uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa si cad maanta u shaaciyay inuu ku biiray oo taagerayo Isbahaysiga labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID.

Xildhibaan Maydhane, wuxuu  isagoo maanta warbaahinta kula hadlaya Magaalada hargeysa dhaliilay siyaasada hoggaaminta ee Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku sheegay Oday beeleed, sidaa awgeed, wuxuu sheegay in markii ay si gaar ah u tashadeen xildhibaanada kasoo baxay gobolka Awdal ay la kulmeen Madaxweynaha, laba jeer iyagoo doonayay in xisbiga KULMIYE, dadka reer Awdal siiyo shirguddoonka, balse annu Madaxweynuhu dhegaysan, sida uu sheegay.

“Waxaan Dadka reer Awdal u sheegayaa in xildhibaanada aan is dhaarsanay in miisaaniyada qaranka si siman gobollada dalka loogu qaybiyo, taasna way nala qaateen, markaa taas oo aan u arkay cadaalad ayaan qaatay oo ku qancay, waxaana u arkay isbahaysiga mucaardka mid cadaaalad ah, sidaa ayaan ku taageeray in ay shirguddoonka isbahaysiga aan taageero.” Ayuu yidhi, Maydhane.

Xildhibaan Maydhane, wuxuu dhaliilay qaabka loo qoondeeyo mashaariicda Somaliland Development fund ee SDF, isagoo xusay in Sanduuqaa mashaariicdiisa aan si cadaalad ah loogu qaybin gobolada dalka, wuxuuna sheegay in arrimahaa iyo kuwii ka dhashay doonistoodii shirguddoonka ee Xisbiga KULMIYE ka qadiyay ay sababeen in uu go’aankaa qaato, balse aannu ka bixin Xisbiga KULMIYE.

Dhinaca Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif oo ah xildhibaanka Isbahaysiga mucaaradku u asteeyeen guddoomiyaha gollaha wakiillada iyo Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo loo asteeyay guddoomiye ku xigeenka koowaad, ayaa soo dhoweeyay Xildhibaan Maydhane.

Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif oo hadal ka jeediyay halkaa, ayaa sheegay in ay aad ugu mahad celinayaan xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane, wuxuuna sheegay in Isbahaysigu reer Awdal u jawaabeen markii ay doonayeen shirguddoonka oo la siiyay guddoomiye ku xigeenka labaad Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil, sidaa awgeed wuxuu xusay in xubnaha Isbahaysiga ee uu ka codsaday Xildhibaan Maydhane in ay la raadiyaan xaqa ka maqan gobolka Awdal, taas oo sida uu sheegay Xildhibaan Khaliif ay u balan qaadeen isbahaysiga dhawr iyo kontonka ah in ay arrintaa uu codsaday ee xaqa ka maqan reer Awdal in lala raadiyo.

Sidoo kale, Xildhibaan Cumar Jaamac, ayaa sheegay in Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane aannu ku iman talladiisa oo keliya, balse uu ku yimi Isbahaysiga tallada aqoonyahanka iyo dareenka dadka reer Awdal, wuxuuna xusay in ay dareenka iyo tabashooyinka Awdal soo dhowaynayaan.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post