Araweelo News Network

“gurmadkaa loo fidinaayey abaaraha ayaa Madaxweynuhu safiirada iyo dhamaan dalalka aynu cilaaqaadka leenahayna u gudbiyey in lasoo gaadho dadkaa iyo Duunyadaa”

efdigaimaraadka1Hargeysa(ANN)Subaxnimadii hore ee saaka waxa garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport wefti ka socda Imaaraadka Carabka ku soo dhaweeyey Ambassador Baashe Cawil Cumar oo ah Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka imaaraadka Carabta.

Mudadii uu safiirku hayey xilka Safiirnimo ee imaaraadka carabta waxa uu si weyn uga dhex muuqday waxqabadka kala duwan ee dalka ay ka wado dawlada imaaraadka carabtu, isaga oo Safiirku noqday safiirka keliya ee sida weyn uga qaybqaatay Arrimaha Abaaraha ee dalka ka jira oo tiraba laba jiir hada dalka ku habsatay, taas oo sababtay in dawladda Imaaraadku gurmad balaadhan ka geysato xaalada nololeed ee dad iyo duunyoba saamaysay.

Ambassador Baashe Cawil Cumar oo halkaa ka hadlay ayay hadaladiisa ka mid ahaayeen Waxaa runtii farxad weyn maanta inoo ah in aynu halkan kusoo dhawayno Wafti ka socda dalka imaaraadka carabta, sidaynu la wada soconaba waxaa in muddo ahba dalka ka jiray abaaro saameeyey dad iyo xoolaba abaarahaasi oo runtii dhibaato fara badan u geystay shacabka iyo dadkii xoola dhaqatada ahaa, waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo u xilsaaray guddi uu ka madax yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) gudidaasi oo loo xil saaray inay soo deristo wax ka qabato sidii wax loogu qaban lahaa dadkaa.

waxaynu la soconaa ayaamahanba ay socdeen gurmadkii abaaruhu dalka dibadiisa iyo gudihiisaba hawlahaasi ka socdeen gurmadkaa loo fidinaayey abaaraha ayaa Madaxweynuhu safiirada iyo dhamaan dalalka aynu cilaaqaadka leenahayna u gudbiyey in lasoo gaadho dadkaa dhibaatadu gaadhay waxaana maanta farxad weyn ii ah in markale Dawladda Imaaraadku noqoto Dawladdii ugu horaysay ee kasoo jawaabta dalabkaa Madaxweynaha JSL u fidiyey.

Waxaana maanta halkan socda Hayaddii Al-Khaliifa Foundation oo ah Hayadd aan inagu cusbayn ragga maanta laynoo soo dirayna ay yihiin ragg yimi sanadkii dhawaa markii abaaruhu ina saameeyeen Insha Allaahu tacaalaa mudadaa ay joogaan waxay muhiimada saari doonaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinkaa iyo dadka abaaruhu saameeyeen, Waxaan jeclahay inaan halkan uga mahad celiyo Dawladda Imaaraadka oo iyadu marwalba u dhego nugul baahiyaha ay dalka iyo dadka reer Somaliland leeyihiin muujisayna inay yihiin saaxiib dhaba oo garab istaaga markasta oo ay Somaliland u baahato.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347