X
    Categories: Warar

Somaliland: Hooyo Umul Ah iyo ilmaheedii Oo Silic Ugu Geeriyooday Duleedka Burco

Araweelo News Network

Burco (ANN)Hooyo umul ah iyo ilmihii ay dhashay, ayaa la sheegay inay ugu geeriyoodeen silic ay sababtay xaaladda abaartu deegaan ku dhaw magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Deegaanka tuulada Ceesha oo qiyaastii tobaneeyo Kilomiter dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Burco, ayaa sida lagu sheegay muuqaal laga soo duubay dad ka qaybgalay aaska loo sameeyey hooyada umul-aroortay shalay, waxay u geeriyootay harraad iyo gaajo ka dhalatay abaarta daran ka jirta dalka iyo weliba caafimaad-darro kadib markii loo waayey adeeg caafimaad.
Odayaasha iyo dadka tuulada Ceesha ee geeridu ka dhacday, ayaa ka dayriyey xaaladda abaareed ka jirta deegaankaasi, iyagoo sheegay in aanay dad iyo xoolo toona haysan biyo iyo baad ay quutaan, isla markaana aan waxba laga soo gaadhsiin taakulada loogu talogalay dadka abaartu saamaysay oo ay guddi abaaraha ee Gobolka Togdheer ka gaabiyeen inay gurmad u geeyaan deegaankooda.
Jaamac Siciid Nuur oo ah aabbaha qoyska hooyadu ka umul-aroortay oo weriye booqday waydiiyey siday wax u dhaceen, ayaa si kooban u yidhi, “Waxa iga geeriyooday xaaskii iyo ilmihii ay dhashay oo u dhintay caafimaad-darro iyo harraad.”
Haydh-tuulaha degaanka Ceesha oo isna ka hadlay dhacdadan geerida, waxa uu yidhi, “Waxay u geeriyoodeen gaajo, dar-xumo iyo caafimaad-darro aanay cidiba eegayn oo aan dhakhtar u imanayn, amarka Ilaahayna wuu dilay. Waxa na saamaysay abaar adag oo dad iyo xooloba ay doonayaan raashin ay cunaan, cid alla cid og dadka deegaankani ma jiraan, waddooyinka ayaa nalaga dhaafaa ee wax noo yimaada oo hoos noo eegaa oo wax na waydiiyaa ma jiro.”
Sidoo kale, oday ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay aaska Marxuumaddaasi, ayaa isna xusay in saamaynta abaarta jirtaa ay qayb ka tahay geerida umushaasi iyo ilmaheedii, “Halkan waxaannu isugu nimi aaska gabadh umul-aroortay oo qofkeedii yaraana raacay, harraad biyo la’aan ah iyo caafimaad-darro ayey u dhinteen. Deegaanka waxa haysata abaar baahsan oo biyo iyo baadba la’, wax gurmad nala soo gaadha biyo iyo cunto toona weli maanu arag,” ayuu yidhi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post