Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Bandhiga Buuggaagta ee Hargeisa Book Fair HBF, oo sannadkan markii shan iyo Tobnaad lagu qabtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa lagu soo qaaday Halyaynimadii hibadii Iyo Halgankii Aqoonyahankii Soomaaliyeed ee Qoraaga Ahaa Siciid Jaamac Xuseen oo awoowgii caan ku ahaa Magaca Xuseen Faras.

Munaasibadda Hargiesa Book Fair oo Sabtidii 23 July 2022, ka furantay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa, waxa kasoo qaybgalay wufuud ka socotay in ka baddan soddon dal oo aduunka ah, kuwaas oo isugu jiray Aqoonyahano qorayaal caan ah, xeel-dheerayaal dhaqanka Bushooyinka ku xeel dheer, Suugaanyahano, abwaano iyo diblamaasiyiin, wakiilo ka socoday Hay’addo Caalami ah iyo marti sharaf kale.]

Siciid Jaamac Xuseen oo ka mid ahaa rukunada Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, isla markaana door weyn kaga jiray Barnaamijka bandhigyada dhaqanka ee lagu soo bandhigo dhaqanka Buuggaagta, ayaa qayb ka mid ah furitaankii munaasibada si weyn loogu qaadaa dhigay barnaamij lagu xusayay noloshii iyo wax-qabadkii uu naftiisa u huray hirgelinteeda.

Aqoonyahan Siciid Jaamac oo ahaa hoggaamiye halgan dheer oo siyaasadeed iyo mid dhismaha dhaqanka, waxa si weyn loogu calaamdiyay inuu ahaa Aqoonyahan, tarjumaan noloshiisa xirfadeed u huray horumarinta afka iyo dhaqanka Afka Soomaaliga, wixii lka horeeyay ka hor intii aannu 8Jun 2022, ku geeriyoon dalka Britain.

Siciid Jaamac, waxay saaxiibada muddada dheer ay ku wada jireen horumarinta Afka Soomaaliga, dhaqanka iyo kuwii muddadaa ka hor aqoonta u laahaa tan iyo markii uu halganka Siyaasiga ah kasoo bilaabay Cariga Yemen, gaar ahaan halkii uu ku barbaaray ee wax ku bartay oo ahayd Magaalada Cadan Lixdanaadkii, isagoo usoo gudbay dhinaca Soomaaliya, gaar ahaan Magaaladda Muqdisho oo xilligaa ahayd Caasiamdii labadii dal noqday Jamhuuriyadii Soomaaliya.

Sida ay soo weriyeen saaxiibadii, wuxuu ahaa Saciid Jaamac shaqsi mucjiso ah oo sifooyin baddan iyo astaamo ay yartahay in lagu arko bini’aadamka uu lahaa, marka la eego dabeecadiisa, dedaalkiisa, dadnimadiisa, xeel-dheerida aqoontiisa haasaawaha kaftankiisa, deeqsinadiisa, geesimadii iyo adkaysigii marxalado iyo duruufo xilliyadaa khatar geliyay naftiisa iyo noloshiisa.

Sida ay qirayaan saaxiibadii iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali iyo ajaanib qowmiyado kala duwan ah, wuxuu taariikhda Afka Soomaaliga iyo guud ahaan fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed wax baddan, isagoo ka sokow Buuggaga uu qoray wada socda oo ah sheekooyin u qoran qaab casri ah oo ku cusub Soomaalida, wuxuu door weyn ka qaatay Turjumaada Suugaanta iyo dhaqanka, isagoo ka duulayay hadafkiisii ahaa in Turjumaadu noqoto Biriij isku xidhaya Bulshada Soomaalida iyo Bulshooyinka kale, si loogu gudbiyo waxyaabaha wanaagsan ee dhaqanka iyo Afka Soomaaliga, isla markaana iyaga bulshooyinka kalena waxyaabaha wanaagsan looga qaato, sida uu tilmaamay Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jama Muse Jama oo ka mid ahaa dadkii shaqooyinka ugu baddan dhexmarayeen Qoraa Saciid Jaamac dhawr iyo tobbankii sannadood ee u danbeeyay.

Saciid Jaamac oo si weyn geeridiiisu raad ugu yeelatay kumanaan mujtaca Soomaalida ah, ayaa lagu sharfay waxqabadkii weynaa ee ka soo baxay turjumaada suugaanta Soomaalida oo lagu turjumo luqado kale si ay u noqoto suugaan Caalami ah oo dunuda tusta, ama ay ka dheehato xadaarada, dhaqanka iyo ilbaxnimada Bulshada Soomaalida, wuxuuna sidoo kale kusoo kordhiyay waxyaabo baddan, sida Turaabta-toolmoon iyo kuwo kale.

Siciid Jaamac Xuseeen oo caan ku ahaa (Siciid Gucmadi), wuxuu ahaa Nin Ummadaha wada gaadhay oo ballaadhan oo Bulshooyin kala xaraad dhaqan diimo ah, isla markanaa kala qowmiyado ah xidhiidh la lahaa.

Kaalntii muddada dheer ee nolloshiisa, halgankii uu dhammaystay nolloshiisa ilaa saacadihii ugu danbeeyay ka hor intii aannu geeriyoon, isagoo sariirta Jiifa, daceebadihii iyo sifooyinkii ay saaxiibadii ku arkeen iyo astaamihii layaabka lahaa ee shaqsiyadii Allah haw naxariistee Siciid Jaamac Xuseeen waxa ka sheekeeyay dad baddan oo Soomaali iyo ajaanib ah, kuwaas oo isagoo nooql qaarkood ka qoreen qoraalo ay maamusayaan, isla markaana ku tilmaamayaan qiimaha uu lahaa, balse muuqaalka mawduuca ee lagu faaqiday xusuusta qofkii uu ahaa Siciid Jaamac, waxa ka hadlaya Dr. Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ah garyaqaan, isla markaana ka mid ahaa kumanaan Arday oo Soomaaliyeed oo Saciid Jaamac u diray Jaamacaddo dunida ah, balse markii danbe la jaanqaaday halgankaa uu hoggaaminayay Saciid Jaamac Xuseen.

Sidoo kale, Macalin Siciid Saalax oo muddo dheer ay Saciid Jaamac soo wada joogeen, xilligana ay ka wada tirsnaayeen tiirarka Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Maxamuud Sheekh Dalmar oo sidoo kale ka mid ah rukumadda xarunta Dhaqanka ee hargeysa, Ayaan Cashuur oo asaasayaasha xarunta iyo hormoodka horumarinta dhaqanka iyo Afka Soomaaliga ka mid ah iyo dad kale oo Maruum Saciid aqoon iyo barasho ka dhaxaysay.

Muuqaalka Ka Daawo Halkan

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com