X
    Categories: Warar

#Somaliland: Hay’addaha Dawladda Qaarkood Oo Musuq-maasuq iyo Maamulxumo Lala Xidhidhay

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Axmed Yuusuf Dirir, Xildhibaan Siciid Xaaji Afweyne oo ah Guddoomiyaha Guddida daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wedka), 22 Feb 2020. Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Qaar ka mid ah Hay’addaha Xukuumadda Somaliland, ayaa lala xidhidhiyay inay ku lug leeyihiin arrimo la xidhiidha musuq-maasuq iyo maamul xumo, sidaana waxa warbaahinta u xaqiijiyay Xildhibaan siciid Xaaji Afweyne oo ah Guddoomiyaha Guddida daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka.

Xildhibaan Siciid, oo ka warbixiyay kulan Albaabada loo xidhay oo ay maanta la yeesheen Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Axmed Yuusuf Dirir, wuxuuna Xildhibaanku u xaqiijiyay Warbaahinta in Hanti-dhawraha kulanka ay la yeesheen ugu soo gudbiyay warbixin uu ku sheegayo in 14 Hay’addood oo ka mid ah Hay’addaha Dawladda oo ka mid ahaa Hay’addo ay baadhitaan ku sameeyeen ku oggaadeen in ay ka jiraan musuq-maasuq iyo maamul-xumo.


Xildhibaanka iyo Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo arrintaa ka hadlaya halkan ka Daawo.

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Axmed Yuusuf Dirir, Xildhibaan Siciid Xaaji Afweyne oo ah Guddoomiyaha Guddida daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wedka), 22 Feb 2020. Araweelo Channel.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post