X
    Categories: Warar

Somaliland: Hay’adda Shaqaalaha Oo Shaacisay Inay Bilaabay Diyaarinta Qorshe-hawleedkeeda Sannadkan 2019

Sharmaarke Geele


Hargeysa(ANN)-Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigtay Qorshe-hawleedka iyo waxyaalaha hal-beegga iyo hiigsiga u noqon doona hay’addaasi sannadkan cusub ee 2019-ka.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Md. Sharmake Axmed Muxumed (Geelle) iyo Madaxda iyo Komishanka Hay’adda Shaqaalaha Dowladda, ayaa kulan ay Xarunta hay’adda ee Hargeysa ku yeesheen, ayaa lagu soo bandhigay qorshe hawleedyada hiigsiga iyo siyaasadda Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee sannadka cusub ee 2019-ka

Waxyaalaha u degsan inay fuliyaan, kuwaasoo la xidhiidha siyaasaddaha horumarinta iyo tayeynta shaqaalaha dowladda ee ay masuulka ka yihiin Sharmake Axmed Muxumed (Geelle) oo faahfaahin ka bixinaya qorshe hawleedka sannadka 2019-ka ee bilawga ah iyo hiigsiga hay’adda shaqaalaha dowladda u qorshaysan waxa uu qoraalkiisu u dhigna sidan;

“Madaxda Waaxaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo ay hoggaaminayaan waaxda Qorshaynta ee Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ayaa bilaabay diyaarinta qorshe-hawleedka Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadka 2019.


Qorshahan ayaa ku wajahan jaan-goynta hawlaha shaqo ee u yaala Hay’adda Shaqaalaha Dowladda iyo abuuridda hiigsiga Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee sannadka 2019-ka, iyada oo loo marayo ujeedooyin sannadaysan. Madaxa Waaxda Qorshaynta ayaa sii wadi doonna ururinta qorsheyaasha waaxaysan ee Hay’adda, iyada oo loo samayn doonno hal-beegyo iyo jidadka loo marayo oo qeexan.


Jid iyo Jiho Cusub.


Dhinaca kale, Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland oo durba guda-gashay fulinta qorshe-hawleedkeeda siyaasadda u degsan sannada 2019-ka ee horumarinta iyo tayeynta shaqaalaha dowladda la xidhiidha ayaa sidoo kale waxay hay’addu soo bandhigtay 248 qof oo shaqaalaha dowladda ee derejadda (D)-da ka tirsanaa, sidoo kalena hadda loo beddelay shaqaaale hawleed.


Haddaba, Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo tafaasiil ka bixiyey arrintani waxa uu yidhi; “Kadib markii ay soo dhammaatay saxar-tirka diiwaanka mushahar-bixinta Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana laga sifeeyey magacyadii aan jirin ama aan joogin, iyada oo meel-na lagu hubsaday inta jiifta ama sabab macquul ah ku maqan ayaa waxaa socda buuxinta kaalmihii shaqo ee soo bannaanaday.


Haddaba, kadib markii ay Hay’adda Shaqaalaha Dowladda u cadaatay in tiro badan oo ka mid ah shaqaalaha derejada D-da (Shaqaale Hoosaadka) ka hawl-gala xarumaha kala duwan ee Dowladdu ay ku shaqayn jireen magac aanay lahayn, kuwaas oo muddo badan aan heli jirin magac-beddel iyo caawin midna.


Si taas xal looga gaadho, kulamo badan oo arrintaa laga yeeshay kadib Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu iyaga oo la fulinayo amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee tix-raacaya go’aamadii ka soo baxay kal-fadhigii 22-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo faraya in magac-beddel loo sameeyo shaqaale hoosaadka derejada D-da halkaas oo kuwa imminka shaqada haya loo sameeyo magac-beddel, isla markaana loogu beddelo magacdii la waayey,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle).


Dhinaca kale, waxa Guddoomiyuhu soo saaray jad-wal lagu soo bandhigay maalmaha fasaxyada qaranka ah ee loogu talogalay in shaqaaluhu ka nastaan hawlaha shaqo ee ay u hayaan bulshada reer Somaliland, iyadoo ay maalmaha fasaxyada qaranku yihiin 12 maalmood sannad kasta gudihiisa.


Sidaana waxa uu Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u qornaa sidan; “Sannado badan oo Shaqaalaha Dowladdu si rasmi ah ula socon maalmaha rasmiga ah ee fasax-sannadeedka, Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu waxa ay soo saartay fasax sannadeedka rasmiga ah ee Shaqaalaha Dowladdu ku qorshe iyo qiyaas doonnaan.

12-kan maalmood ayaa ah munaasibadaha rasmiga ah ee Shaqaalaha Dowladdu ka nasan doonnaan shaqo-maalmeedka, iyada oo ay dheer yihiin fasaxyada aan caadiga ahayn ee ku soo dhaca Shaqaalaha Dowladda, sida; xannuunka, umusha, waxbarshada IWM, kuwaas oo lagu dalban doonnno hab-raaca siyaasadda fasxayada ee shaqaalaha Dowaldda.


Haddii dhaqaaq kooban ku dhaco maalmaha oo qaarkood ku suntan yihiin tirsiga dayaxa, Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ayaa maalin ka hor soo shaacin doonta.


Qofkii looga maarmi waayo goobta shaqada maalmaha fasaxa ah, waxa loogu beddelayaa laba maalmood oo fasax kale ah xilliga shaqaaluhu dalbado.


Haddii mid ka mid ah maalmaha fasaxu ku beegmo maalin kale oo fasax ah, sida Jimce waxa fasaxa loo riixayaa maalinta ku xigta.”ayuu yidhi. Sharmaarke Geele.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post