X
    Categories: Warar

Somaliland: Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Qabatay Kulan Lagu Dersaayo Qorshayaasha Iyo Xeerarkii Tayeynta Shaqaalaha

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa qabatay kulan lagu eegayo Qorshayaashii hore iyo kuwa hada la hindisay ee shaqaalaha dawladda lagu tayeynayo oo la xidhidha wixii qabyoobay iyo sababta keentay, waxa kaloo lagaga hadlay hindisayaasha gacanta lagu hayo sida loo hirgelin karo waqtigan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo kulanka furay, ayaa sheegay in kulanka ujeedadiisu tahay Tayeynta Shaqaalaha dawladda Somaliland, iyadoo ay kulanka kasoo qaybgaleenKhabiiro iyo shaqaalihii waayo araga iyo ruug cadaaga ahaa ee Hay’adda shaqaalaha dawladda tan iyo markii la aasaasay soo maray mudo 20 sanno ka badan.

Kulanka, ayaa lagu lafo guray dabar iyo dedaal wixii qabyeeyey qorshe walba oo hore laysugu dayey in lagu tiriyo laguna tayeeyo shaqaalaha dawladda iyo qorshayaasha hada gacanta lagu hayo ee siyaasadda shaqaalaha dawladda sidii loo fulin lahaa ee ugu suurto galsan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo tafaasiil ka bixiyey qoraal uu kulankaasi iyo u jeedada laga leeyahay ka soo saaray waxa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

Qorshe walba wixii Qabyeeyey iyo Qaabaynta hawl Qabadka soo socda.

– Waxaanu maanta qabanay kulan xaal iyo xog ogaansho ah oo ruug caddaagii hore ee hay’adda shaqaalaha dawladu xusayeen dabar iyo dedaal wixii qabyeeyey qorshe walba oo horay la isugu dayey in la tiriyo lana tayeeyo shaqaalaha dawladda JSL

– Waxaa la isla gartay in:

 Gaabis Xirfadeed “Lack of experts” ,

 Gaadiid la’aan “Lack of Vehicles” ,

 Shaqaale aan jirin ama gododleyn bartay “Ghost Workers”

 Diiwaangelin la’aan rasmi ah “Lack of Biological Registration”

ay keentay in la heli waayo xog sugan oo lagu qiyaas iyo qorshe qaadan karo.

– Waxaanu isla meel dhignay in aanu ka gaashaamano wax walba oo iska-caabin iyo cidhiidhi gelin kara shaqadan qaranku wada sugayo.

– Waxaa hubaal ah in shaqadan laga dhaxli doonno shaqaale sugan, shaqo-abuur iyo xog waafi ah oo laga helo xaalada shaqaalaha dawladdu ku sugan yihiin.

– Waxaanu si wanaagsan u qiimaynay Caqabadaha iyo Fursadaha ku gedaaman qabashada shaqadan “SWAT analyzes”

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

Bilow iyo Bismillah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post