X

Somaliland: Hawlgalka Booliska Ee Amniga Caasimada Oo Lagu Qabtay Boqolaal Hubka Aan Sanqadhin

#Araweelo_News_Network

Hargyesa (ANN)- Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa soo bandhigay hubka gacanta lagu qaato ee aan sanqadhin oo loo adeegsado dilalka, iyagoo hawlgal ay ka sameeyeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku guulaystay innay gacanta ku dhigeen boqolaal hubka gacanta ee Faashashka iyo Toorayaasha.

Sidoo kale, waxay Boolisku soo bandhigeen jawaano ay sheegeen innay maandooriyaha xashiishada, wallow aannay sheegeen in dadkii hubka kala duwan iyo maandooriyaha xashiishada ay soo bandhigeen sitay la xidhay iyo in kale.

Saraakiisha Booliska Somaliland ee Caasimada Hargeysa oo ka hadlaya hubka iyo maandooriyaha ay soo qabteen, ee lasoo bandhigay.23 Feb 2025 photo taliska Booliska.

Hawlgaka ayay sheegeen inuu qayb ka yahay olole la doonayo in xaqiijiyo amniga caasimadda, maadaama ay maalmihii u danbeeyay dhawr oo loo adeegsaday hubka fudud ee aan sanqadhin sida toorayda ay ka dhaceen Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, wallow dilka maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Burco loo adeegsaday xabad.

Garsoorayaasha makamdda derejada koobaad oo ku dhowaaqa xukunka eedaysnayaasha dilka ka dhacay Gebilay, 23 Feb 2025 photo taliska Booliska.

Ehelada Marxuumka iyo kuwa Eedaysanayaasha oo ka qaybgalay dhegaysiga dacwada iyo go’aanka makamdda derejada koobaad oo ku dhowaaqa xukunka eedaysnayaasha dilka ka dhacay Gebilay, 23 Feb 2025 photo taliska Booliska.

Dhinaca kale, Maxkamadda Ciidamada darejada Koobaad ayaa xukun ku riday dhammaan Eedaysanayaashii loo haystay dilka  Marxuum A/le Buux Mawliid Ismaciil oo dhawaan lagu dilay Magaalada Gebilay.
Sidoo kale,Maxkamadda Ciidamada Darejada koobaad ayaa Xukun Dil ah ku riday maalintii doraad Askarigii Dilka ugeystay Taliyihii Saldhiga degmada Maxamed Mooge  ee Magaalada Hargeysa Marxuum Cabdi Cali Nuur, iyadoo xukun lagu riray eedaysane kale oo maxkamaddu sheegtay inuu qayb ka ahaa dilka, kaas oo ka mid ahaa Askarta Saldhiga.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post