X
    Categories: Warar

Somaliland: Hargeysa Oo Laga Helay Kiisaska Ugu Badan Ee Coronavirus

Hargeysa(ANN)-Baadhitaanada Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee xannuunka COVID-19, ayaa muujiyay inuu kordhay cuddurku oo si hoose ugu faafayo Magaalada Hargeysa, marka loo eego magaalooyinka kale ee dalka, walaw aannu jirin baadhitaan ka baxsan  dadka iskood u imanaya Cusbitaalka.

Sidaana waxa muujisay warbixintii u danbaysay ee maanta 28 May 2020, ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo warbaahinta u marisa bulshada warbixinta maalinlaha ah.

 

24 saacadood ee u danbeeyay waxa loo sameeyay shaybaadh 80 qof, kuwaas oo 32 ka mid ah laga helay cuddurka COVID-19, sidaana waxa warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye.

 

“Waxa  24-saacadood ee u danbeeyay baadhitaan lagu sameeyay 80 qof, waxaana laga helay xannuunka 32 qof, dadkaa oo dhammaantood ku nool Magaalada Hargeysa, waxay kala yihiin, 21 Rag ah iyo 11 haween ah, oo da’adoodu u dhaxayso 10 jir 89 jir.” Ayuu yidhi, Dr, Xergeyee, wuxuuna xusay in 21 qof oo ka mid ah dadkaa xannuunka laga helay ay yihiin 20 Jir ilaa 40 Jir.

 

Dr. Xergeeye, waxa uu sheegay in dadka la baadhay da’ada u badan ee laga helay xannuunka, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin kuwa mar walba raadinaya daruuriga ee ugu socodka badan, sidaa awgeed wuxuu sheegay in fariinta uu bulshada u dirayaa ay tahay in la kala fogaado, isla markaana la raaco oo dheggaha loo furo digniinaha ay bixinay Wasaaradda Caafimaadka iyo tallooyinka guddida heer qaran ee Xannuunka COVID-19.

 

Dhinaca kale, Dr. Xergeeye, wuxuu sheegay in ay soo kordheen shan qof oo ka bogsaday xannuunka, kuwaas oo ka dhigaya tirada guud ee kasoo kabatay xannuunka 28 qof, halka uu geeriyooday hargeysa hal qof oo 80 Jir ahaa. Oo u dhintay Coronavirus.

 

Waxa kale oo uu sheegay Dr. Xergeeye in Cusbitaalka magaalada Burco ee xarunta u ah Caasimada  labaad ee Somaliland  ay u direen 30 haamood oo kuwa Oxygen ah.  Waxayna arrinta uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland kusoo beegantay, Kadib markii maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in uu hal qof ugu dhintay Cusbitaalka Burco markii loo waayay Oxygen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post