X
    Categories: Warar

Somaliland: Hanti-dhawrka Qaranka Oo Caddeeyay In Aan loo Naxariisan Doonin Cidda Lagu Qabto Falal Musuqmaasuq ah

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey inuu bilaabay baadhitaanno la xidhiidha lunsiga hantida qaranka, isla markaana aan loo naxariisan doonin cidda lagu qabto falal musuqmaasuq ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kulan uu toddobaadkan la yeeshay masuuliyiinta hay’adaha Hantidhawrka Qaranka, Xeer-ilaalinta iyo Komishanka Maamul-wanaagga dawladda ku amray inay xoojiyaan ilaalinta hantida dawladda si aan lunsi u dhicin waqtiga kala guurka ee doorashada Madaxtooyadu dhacayso.
Haddaba, Hantidhawraha Guud ee Qaranka Md. Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim, ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabeen baadhitaanno xoog ah ku saabsan musuqmaasuq oo ay ku samaynayaan dhammaan xafiisyada dawladda.
“Madaxweynaha Somaliland wuxuu amar ku bixiyey in la bilaabo, lana wanaajiyo maamulka xisaabaadka dawladda, isla markaana la baadho oo laga warbixiyo heerka ay marayaan xisaabaadka dawladdu iyo sida ay yihiin, haddaba, annagoo fulinayna amarkaa guud ee Madaxweynuhu soo saaray ayaa waxaannu bilownay baadhitaanno ka xoog badan, kana xawaare badan doona baadhisahaanu hore u samayn jirnay, taas oo ku wajahan dhammaan maamullada kala duwan ee dawladda.
Madaxweynuhu soo jeediyey in la dardargeliyo ilaalinta hantida qaranka, la dardargeliyo nidaamka xisaabaadku in aannu xumaanin, in xisaabaadka qaranku u socdaan sidii loogu talogalay ee shuruucda waddanku tilmaamaysay, sidaas darteed annagoo ku soconna amarka uu soo jeediyey Madaxweynaha Qaranku waxaannu dhankayaga ka bilownay in aannu xoojinno baadhista,” ayuu yidhi Hantidhawr Maxamuud Aw Cabdi oo u warramay telefishanka madaxbannaan ee Bulshotv.
Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Baadhista iyo Maamulka ee Hantidhawrka Guud Mr. Cali Sheekh Maxamed Axmed, ayaa isna u sheegay telefishanka in baadhitaankoodu yahay mid xaqiiq ah oo lagu ilaalinayo hantida qaranka, isagoo baaq ku saabsan shaqadooda u diray shacabka iyo masuuliyiinta xilalka haya, waxaannu yidhi, “Dadkeennu waxay dhaqan u leeyihiin hadallo barobagaadho ah oo inta badan dadka lagu warwargeliyo oo la sheego in hantida Qaranka la lunsado, xafiiskan Hantidhawrka Guud ee Qaranka iyo xukuumadda hadda jirta ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo waxa ka go’an in lala dagaallamo musuqmaasuqa, bulshada waxaan ka codsanayaa laga helo taageero, gacan-siin si haddii uu musuq jiraba loo tirtiro waxa la yidhaa musuqmaasuqa oo ah wax qaranka ragaadiya ama haddii ummaddi ku kacdo aanay yeelan karin horumar dhaqan-dhaqaale iyo kobac kale midnaba. Sidaasi darteed, qof kasta oo ku hamiyaya inuu hanti qaran meel uun ka helow waxaannu ku leenahay ishu way ku haysaa, laguu niximaayo oo laguu damqanmaayo.”

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post