X

Somaliland: Guurtida Oo Duuduub Ku Ansixiyay Xeerka Loo Raacayo Nidaamka Furashada Axsaabta Iyo Ururada Siyaasada

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Gollaha Guurtida Somaliland, ayaa meel mariyay Xeerka nidaamka Ururada iyo axsaabta siyaasada Xeer L/14/2021, kaas oo ay hore wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyeen, isla markaana muddooyinkan horyaalay gollaha.

Fadhiga Gollaha Guurtida ee saaka  oo ay kasoo xaadireen  52 xildhibaan, waxa guddoominayay Guddoomiyaha Gollaha Saleebaan Maxamuud Aadan, waxayna ka hor intii aannay golluhu gudda gelin in loo weydiiyo xildhibaanada xeerka in ay u coddeeyaan ka hadlay madasha fadhiga guddida Xeerka gacanta ku haysay ee kusoo celisay fadhigii saaka.

Gollaha Guurtida Somaliland, Image Araweelo News Network, 27 Jun 2021.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha Nabadgelyada iyo Difaaca Gollaha Guurtida, Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmanan (Ilkacase).ayaa ka warbixiyay xeerka iyo guddi ahaan sida ay u arkaan ee gollaha usoo jeedinayaan.

Gollaha Guurtida Somaliland, oo meel marinaya furashada nidaamka Ururada iyo axsaabta siyaasada Xeer L/14/2021,  Image Araweelo News Network 27 Jun 2021.

“markaan aragnay qodobka 61aad, 9aad, 22aad , 23aad  iyo 38aad ee Dastuurka Qaranka Jamahuuriyadda Somaliland,  Markaan aragnay wax ka bedelka iyo kaabista gollaha wakiilllada ee Xeerka  nidaamka Ururada iyo axsaabta siyaasada Xeer L/14/2021, in wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka si ay muwaadiniintu u guddan karaan xuquuqdooda si waafaqsan dastuurka, oo tobbankii sannadoodba mar la furo,  si ay u doortaan saddex xisbi oo talada iyo awoodda ku tartama, sidaa awgeed markaanu ku qanacnay baahida loo qabo kaabista iyo wax-ka-bedelka Xeerka, waxaanu ku qanacnay  in Xeerku sidaa uu kaga yimi gollaha wakiillada cod loogu qaado, ayuu yidhi, Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmanan (Ilkacase).

Guddoomiyaha Gollaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markaa kaddib xeerka geliyay cod, waxaana oggolaaday in sidaa lagu ansixiyo , 48 xildhibaan, 1 xildhibaan ayaa ku aamusay iyo 1 xildhibaan oo didiay, iyadoo aannu guddoomiyuhu coddayn. Waxayna gollaha guurtidu sidaa ku meel mariyeen xeerkaa  oo markii ay gollaga wakiilladu is dhaafiyeen ay ka taagnayd dood iyo sawaxan, ka dhashay markii lasoo hordhigay gollaha wakliillada Xeerka diiwaangelinta Ururada iyo Axsaaqbta Qaranka ee Xeer/L/r14, April,  3rd, 2021.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post