Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)-Gollaha Guurtida Somaliland, ayaa meel mariyay Xeerka nidaamka Ururada iyo axsaabta siyaasada Xeer L/14/2021, kaas oo ay hore wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyeen, isla markaana muddooyinkan horyaalay gollaha.
Fadhiga Gollaha Guurtida ee saaka oo ay kasoo xaadireen 52 xildhibaan, waxa guddoominayay Guddoomiyaha Gollaha Saleebaan Maxamuud Aadan, waxayna ka hor intii aannay golluhu gudda gelin in loo weydiiyo xildhibaanada xeerka in ay u coddeeyaan ka hadlay madasha fadhiga guddida Xeerka gacanta ku haysay ee kusoo celisay fadhigii saaka.
Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha Nabadgelyada iyo Difaaca Gollaha Guurtida, Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmanan (Ilkacase).ayaa ka warbixiyay xeerka iyo guddi ahaan sida ay u arkaan ee gollaha usoo jeedinayaan.
“markaan aragnay qodobka 61aad, 9aad, 22aad , 23aad iyo 38aad ee Dastuurka Qaranka Jamahuuriyadda Somaliland, Markaan aragnay wax ka bedelka iyo kaabista gollaha wakiilllada ee Xeerka nidaamka Ururada iyo axsaabta siyaasada Xeer L/14/2021, in wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka si ay muwaadiniintu u guddan karaan xuquuqdooda si waafaqsan dastuurka, oo tobbankii sannadoodba mar la furo, si ay u doortaan saddex xisbi oo talada iyo awoodda ku tartama, sidaa awgeed markaanu ku qanacnay baahida loo qabo kaabista iyo wax-ka-bedelka Xeerka, waxaanu ku qanacnay in Xeerku sidaa uu kaga yimi gollaha wakiillada cod loogu qaado, ayuu yidhi, Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmanan (Ilkacase).
Guddoomiyaha Gollaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markaa kaddib xeerka geliyay cod, waxaana oggolaaday in sidaa lagu ansixiyo , 48 xildhibaan, 1 xildhibaan ayaa ku aamusay iyo 1 xildhibaan oo didiay, iyadoo aannu guddoomiyuhu coddayn. Waxayna gollaha guurtidu sidaa ku meel mariyeen xeerkaa oo markii ay gollaga wakiilladu is dhaafiyeen ay ka taagnayd dood iyo sawaxan, ka dhashay markii lasoo hordhigay gollaha wakliillada Xeerka diiwaangelinta Ururada iyo Axsaaqbta Qaranka ee Xeer/L/r14, April, 3rd, 2021.
Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
instagram@araweelonews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com