X
    Categories: Warar

Somaliland: Guurtida Oo Dhaliishay Siyaasada Xukuumadda Ee Beeraha Iyo Dibindaabyada WFP

Guurtida Somaliland Dood la xidhiidha arrimaha dhaqaalaha dalka, Image Araweelo News Network, 7 feb 2022.

Araweelo News Network.

Wasaaradda Beeruhu waxay ku mashuusantahay oo keliya Shahaado , Ganacsatadu Ma aaminin in ay dalkooda Maalgashi ku sameeyaanSuldaan Ismaaciil Xildhibaan Guurtida ah.

Hargeysa(ANN)-Gollaha Guurtida Somaliland, ayaa qaadaa dhigay dhibaatooyinka haysta Beeralayda dalka iyo sababta ay wax-soo-saarka dalaga Beeruhu diciifka u yihiin.

Kalfadhiga 77aad ee gollaha, ayaa lagu soo daray ajandaha arrimaha dhaqaalaha dalka iyo wax-soo-saarka, waxaana doodda oo mudanaayal door ah ka qaybgaleen lagaga hadlay dooddo la xidhiidha arrimahaa.

Muddanayaasha, ayaa qodobka siddeedaad oo si gaar ah loogu faaqiday sababta hortaagan tabbaca Beeraha, waxaana si weyn loogu dhaliilay doodda doorka xukuumadda Somaliland ee wacyigelinta iyo cuntada waddaniga ah.

Dhinaca kale, waxa mawduuca doodda lagu dhaliilay qaabka ay Hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee (WFP), ula macaamisho Bulshada, waxaana lagu eeddeeyay in xilliga dallaga Beeralayda ay kusoo beegto raashin ay dalka soo geliso.

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, oo ka mid ah Xildhibanada ka qaybqaatay doodda, ayaa ganacsatada dalka ku dhaliilay, sidoo kale, wuxuu sheegay in Wasaaradda Beeruhu ka gaabisay shaqadeeda, isla markaana ku mashquushay in ay bixiso Shahaado, iyadoo aan eegayn waxa laga soo saaray Beerta.

Sidoo kale, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, wuxuu sheegay in aannay jirin siyaasaq qaran oo ku waajahan wax-soo-saarka dalka, isagoo xusay in dhaliillaha arrimahaa aannay ka baxsanayn wasaaradda waxbarashadu.

Muuqaalkan Ka Daawo

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post