X

#Somaliland Gudidda Doorashooyonka Oo Kulan La Yeeshay Ganacsatada

 

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)-Gudidda Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan gaar ah la yeeshay ganacsatada dalka.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska gudidda Doorashooyinka ee Magaaladda Hargeysa, waxa uu ahaa mid xubnaha gudiddu ay la qaateen xubno ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee dalka.

Kulanka Culimada iyo gudidda

Faahfaahin badan lagama hayo ujeeddada kulanka, balse Gudidda Doorashooyinka ayaa kulanka ku sheegay mid ujeedadiisu ahayd duco iyo dardaaran ku saabsan Doorashooyinka maalmaha kooban inaga xigaan ee loo ballamay 13 November 2024.

Gudidda ayaa kulamo sidan oo kale ah la yeeshay maalmihii lasoo dhaafay Culimada iyo qaybo kale oo bulshada ah, waxayna dhammaan kulamadaasi ahaayeen kuwo gogol xaadh u ah sidii ay doorashooyinku nabadgelyo ugu dhici lahaayeen iyo in cid walba qaadato doorkeeda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post