X

Somaliland Gudidda Doorashooyinka Oo Dhaariyay Hawlawadeenada Gobolada Dalka

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Gudidda Doorashooyinka Somaliland, ayaa tababar usoo xidhay Hawl wadeenada doorashooyinka loo tababaray ee gobolada Maroodijeex Awdal, Togdheer Sanaag iyo Sool.

Gudidda Doorashooyinka ayaa  markii tababarku u dhammaaday waxay dufcadii koowaad ee hawlwadeenada ka shaqaynaya goobaha codbixinta doorashada ee gobolada Dalka.

Sidoo kale, Gobolka Togdheer gudidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland (NEC)- waxay tababar u soo xidheen, isla markaana loo dhaariyey hawsha doorashooyinka dufcadii koowaad ee hawlwadeenada ka shaqaynaya goobaha codbixinta doorashada ee gobolada dalka.

Sidaa si la mid ah ayaa gobollada Awdal , Saaxil, Sanaag  iyo weliba degmada Gar-adag Komishanka Doorashooyinka Qaranku usoo xidheen tababarada, isla markaana loo dhaariyey dufcadii koowaad ee hawlwadeenada ka shaqaynaya goobaha codbixinta doorashada ee gobolada Dalka.

Ka badan akhri: Sidee u codaynaysaa muwaadin fariintan ka boggo?
Halkan Riix:  Qaabka Codaynta Doorashooyinka

Masuuliyiinta Gudidda Doorashooyinka ayaa hawlwadeenada u jeediyay hadalo dardaaran ah, iyagoo ku adkeeyay masuuliyadda hawlsha loo igmaday ee ay qaranka uga masuulka yihiin iyo waajibaadka looga baahanyahay.

Doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyadda iyo Ururada ayaa loo qorsheeyay 13 Novemeber 2024, iyadoo muddo sagaal maalmood ah inaga xigaan.

Booqo Mareegta KDQ Somaliland! [ www.slnec.net

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post