#Araweelo_News_Network
Hargeysa (ANN)- Gudidda Doorashooyinka Somaliland, ayaa tababar usoo xidhay Hawl wadeenada doorashooyinka loo tababaray ee gobolada Maroodijeex Awdal, Togdheer Sanaag iyo Sool.
Gudidda Doorashooyinka ayaa markii tababarku u dhammaaday waxay dufcadii koowaad ee hawlwadeenada ka shaqaynaya goobaha codbixinta doorashada ee gobolada Dalka.
Sidoo kale, Gobolka Togdheer gudidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland (NEC)- waxay tababar u soo xidheen, isla markaana loo dhaariyey hawsha doorashooyinka dufcadii koowaad ee hawlwadeenada ka shaqaynaya goobaha codbixinta doorashada ee gobolada dalka.
Sidaa si la mid ah ayaa gobollada Awdal , Saaxil, Sanaag iyo weliba degmada Gar-adag Komishanka Doorashooyinka Qaranku usoo xidheen tababarada, isla markaana loo dhaariyey dufcadii koowaad ee hawlwadeenada ka shaqaynaya goobaha codbixinta doorashada ee gobolada Dalka.
Masuuliyiinta Gudidda Doorashooyinka ayaa hawlwadeenada u jeediyay hadalo dardaaran ah, iyagoo ku adkeeyay masuuliyadda hawlsha loo igmaday ee ay qaranka uga masuulka yihiin iyo waajibaadka looga baahanyahay.
Doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyadda iyo Ururada ayaa loo qorsheeyay 13 Novemeber 2024, iyadoo muddo sagaal maalmood ah inaga xigaan.
Booqo Mareegta KDQ Somaliland! [ www.slnec.net