X

Somaliland: Gudidda Anshaxa Oo Digniin U Diray Masuuliyiinta Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Ee Lagu Riday Ganaaxyadii Ugu Badnaa

Gudddia anshaxa doorashooyinka Image Araweelo News Network, 27 Oct, 2024.

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Gudidda Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka Somaliland, ayaa soo saaray ganaaxyo iyo go’aano la xidhiidha arimaha olollaha Doorashooyinka.

Ganaaxyada ayaa lagu riday masuuliyiintii u badnaa ee xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Sidoo kale, Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa lagu riday ganaax, iyadoo digniin loo diray Urur Siyaasaddeedka Horseed, halka digniin kama-danbays ah loo diray masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo aan weli bixin ganaaxyadii hore loogu riday.

1. Waxay ganaax 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiilada JSL Cali Xaamud Jibriil.

2. Waxay ganaax lacageed oo dhan 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Xisbiga Waddani.

Waxa kale oo gudiddu digniin kama-danbays ah u direen mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye kuwaas oo aan weli bixin ganaaxii lagu xukumay, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin:

1. Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Cabdirisaaq Muuse Faarax.

2. Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni.

3. Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL Maxamed Cali Bile.

4. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar.

5. Madaxa Ololaha Xisbiga Kulmiye Mustafe Maxamud Qodax.

6. Xubin ka mid Gollaha Deegaanka Hargeysa Maxamed Abiib Cismaan

7. Waxay kale oo ay digniin u direen Urur Siyaasaddeedka Horseed.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post