X

Somaliland: Guddoomiyihii Guddida Doorashooyinka Sool Oo Toogasho Lagu Dilay

Guddoomiyihii Guddida Doorashooyinka Gobolka Sool, Cabdullaahi Maxamed Shire (Labagole) Image File Araweelo 3 Jun 2021.

Araweelo News Network.

 

Laascaanood(ANN)-Guddoomiyihii Guddida Doorashooyinka Gobolka Sool, Cabdullaahi Maxamed Shire oo ku magac dheeraa (Cabdullaahi Labagole), ayaa lagu dilay caweyskii caawa Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

 

Sidaana waxa shebekaddaha wararka ee Araweelo News Network u xaqiijiyay qaar ka mid ah ehelada qoyska marxuumka oo ku suagn Magaalada Laascaanood.

 

Dilka ayaa dhacay sida ay sheegeen wararku caawa caweyskii xilli uu Guddoomiyihii guddida doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool Marxuum Cabdulaahi Labagole ka yimi Pharmacy dawooyinka lagu iibiyo oo uu ku lahaa Magaalada Laascaanood, waxaana lala beegsaday tacshiirado rasaas ah.

 

Lama xaqiijin sababta dilkiisa iyo cidda dishay oo aan weli la aqoonsan, balse ciiddamada amaanka oo goobta yimi ayaa wada baadhitaan la doonayo in lagu xaqiijiyo ciddii ka danbaysay dilka oo goobta ka baxsatay durbadiiba.

 

Wixii kasoo kordha kala soco Araweelo News Network.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post