X

Somaliland: Guddoomiye Saleebaan Oo Ka Hadlay Khilaafka Xeerarka Iyo Mudda Kordhinta

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa u qiil sameeyay ka hadlay, xeerarkii laysku tuur-tuuray ee loo soo gudbiyay gollihiisa toddobaadkii hore, balse uu guddoomiyuhu dib ugu celiyay gollaha wakiillada, iyadoo aan la horgeyn fadhiga guurtida ee socday.

Gollaha Guurtida Somaliland, Image Araweelo News Network, 27 Jun 2021.

Warbaahinta ayaa laga daawaday nuqulada xeerarka oo kala ahaa Xeerka guud ee doorashooyinka Xeer L/r 91/2022 iyo xeerka furista ururada siyaasadda iyo nidaamka axsaabta Qaranka  Xeer L/r 14/2011, oo la dhigay meel bannaan ah u dhaxaysa xayndaabka dhismaha ay ku wada jiraan labada golle.


Xeerarkan oo gollaha wakiilladu wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyeen Toddobaadkii hore, 19 September, isla markaana maalin kaddib oo ku beegan 20 September 2022, loo gudbiyay, kaddib markii 33 xildhibaan oo gollaha wakiilladu u coddeeyeen, wallow ay si weyn uga qayliyeen xildhibaanada gollaha wakiillada oo ku tilmaamay qaabka loom eel mariyay mid aan sharci ahayn, sidaa awgeed ay qoraal cabasho ah oo ay ku dalbanayaan in lagu soo celiyo gollahooda wakiillada u qoreen shirguddoonka guurtida.


Haseyee Guddoomiye Saleebaan oo xeerarka dib usoo celiyay ayaa lagu diiday in ay ka qabtaan shirguddoonka gollaha wakiilladu, wuxuuna ku sababeeyay soo celintaa mid uu ka fursan waayay iyo isagoo uga baqay gollihiisa guurtida inay xeerarku kala qaybiyaan, isla markaana horseedaan khilaaf geyaysiiya in uu fadhiisan waayo gollaha guurtidu.


“Laba golle oo murmay ma qurux badna, xeerkan aad wax iga dhigaysaana ee qoyayna, waa warqad waxa qoyay oo dib ayaanu u daabacan doonaa.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Saleebaan oo warbaahintu wax ka weydiiday arrintaa.

Laxidhiidha: Guurtida Oo Ka Cadhooday Qaabka Guddoomiye Saleebaan Uga Jawaabay Xeerarka Gollaha Wakiillada

Sidoo kale, wuxuu ku doodday in dacwad laga daba keenay xeerarka oo 46 xildhibaan oo gollaha wakiilladu usoo gudbiyeen dacawad ay kaga dalbanayaan in dib loogu soo celiyo.


“Xeerkan sababta aan gollahayga u horkeeni waayay waa in khilaafka gollaha wakillada kala qaybiyay aanmu amnagana na kala qaybin.” Ayuu yidhi.


Dhinaca kale, Guddoomiye Saleebaan oo gollaha fasax muddo shan maalmood ah geliyay markii uu soo celiyay xeerarka, ayaa ka hadlay muddo kordhinta loo soo gudbiyay ee gollihiisa hortaal, wuxuuna ku doodday in golle ahaan ay xaq u leeyihiin.

“ Madaxweynaha waanu u kordhinaynaa ee muddada aanu kordhinayna idinka idin kala tashanmayno”ayuu yidhi, Guddoomiye Saleebaan oo ka jawaabayay inta ay kordhinayaan.

Muuqaalkan Ka Daawo Guddoomiye Saleebaan

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post