X

Somaliland: Guddoomiye Faysal Oo Ku Hanjabay In Xubnaha UCID Ee Heshiiska La Galay Xisbiga KULMIYE Waayayaan Xildhibaannimada

Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID, oo codkiisa dhiibanaya doorashadii gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada Somaliland, 31 May 2021, hoolka Hay’adda shaqaalaha ee Hargeysa, Image file Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ku tilmaamay sharcidaro koox xildhibaano ka mid ah xubnaha uag soo baxay doorashadii gollaha wakiillada ee 31 May 2021, kuwaas oo hesiish la saxeexday shalay xisbiga muxaafidka KULMIYE.

Eng; Faysal Cali Waraabe, wuxuu ku hanjabay in ay xubnahaasi waayi doonaan xubnimadii gollaha wakiillada, isla markaana lagu bedelayo xubnihii kusoo xigay liiska natiijada doorashada, haddii ay u coddeeyaan xildhibaanda uu shirguddoonka u sharaxay xisbiga muxaafidka ee KULMIYE.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay in isaga oo kaliya (Guddoomiayaha) uu leeyaahay awoodda uu cid kula heshiin karo xisbigu.

“Heshiis kaasi waa heshiis aan sharci ahayn, waxa heshiis gali kara oo xisbi kale la geli kara guddoomiyaha” ayuu yidhi, isagoo sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay maanta Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da

Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal, wuxuu ku hanbay in xildhibaanada la heshiiyay xisbiga KULMIYE, ay khatar ku jirto xildhibaannimadooda.

“Xildhibaannimadooda ayay khatar galinayaan, sharcigu wuxu sheegayaa in xildhibaanka jebiya shuruucdi lagu soo doortay uu kursiga banaynayo.”

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in uu jiro heshiis ay hore u wada saxeexeen xubnaha xildhibaanada, isagoo yidhi, “Murrashax kastana hore ayaanu uga saxeexnay heshiis, marka heshiiskaasi waa mid aan waxba ka jirin” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Markay xildhibaanka KULMIYE, u sharaxay shirguddoonka u codeeyaan, ayaanu talaabo ka qaadi doona kursigana way waayi doonaan” ayuu yidhi, wuxuuna isagoo ka jawaabaya sida xilka ay qaadi karaan xisbi ahaan xubnahaa, ayaa sheegay in ay sidii uu awoodda ugu lahaa xisbigu in uu murrashaxiin ka dhigo uu awood ugu leeyahay in iyaga oo xildhibaano ah xilka ka qaado.

Eng; Faysal oo la weydiiyay xilliga ay xildhibaanda ka qaadayaan tallaabo, wuxuu sheegay in shalayba xilkii uu hayay laga qaaday Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), tallaabada labaad wuxuu sheegay in laga qaadayo marka ay u coddeeyaan murrashaxa shirguddoonka wakiillada uu xisbiga muxaafidka ee KULMIYE, u sharaxay ee ay xubnahaasi ka coddeeyaan go’aanka xisbiga Mucaaradka iyo heshiska labada xisbi mucaarad. Isagoo xusay in markaa ay waayayaan xubinimada gollaha oo ay soo gelayaan kuwii liiska sugayaasha ahaa ee Xisbiga UCID.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xubnahaasi meel ka dhac ku sameeyeen shacbigii u coddeeyay in ay axsaabta mucaraadka kasoo baxaan oo baal mareen sharcigii iyo isbedelkii shacbigu u coddeeyay ee doorashadii gollaah wakiillada Somaliland.

 

Dhinaca kale, koox Xildhibaano ah oo uu hoggaaminayo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo ka mid ah 21 xildhibaan oo UCID, uga soo baxay doorashadii gollaha wakiillada Somaliland ee qabsoontay 31 May 2021, ayaa shalay sheegay in ay isbahaysi cusub la samaysteen xisbiga Kulmiye, kuwaas oo xisbiga Kulmiye u qoondeeyay guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomye ku xigeenka labaad ee shirguddoonka, isagoo doonaya inuu aqlabiyad u helo rabitaankiisa uu ku doonayo in Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) noqdo guddoomiyaha gollaha wakiillada, balse isbahaysi ay labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID oo helay aqlabiyada xildhiaanada waxay hore ugu heshiiyeen in ay qaataan shirguddoonka gollaha oo xisbiga WADDANI u sharaxay Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif, halka xisbiga UCID la siiyay labada guddoomiye ku xigeen ee koowaad iyo labaad.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post