X

Somaliland: Guddoomiye Faysal Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Iyo Mudahaaradka

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Labada Xisbi ee Mucaaradka WADDANI iyo UCID, ayaa sii wada baaqooda ay ku hanjabayaan in ay sii wadayaan mudaharaadyadii ay hore u hakiyeen 9 Jun 2022.

Laxidhiidha: Khilaafka Siyaasadda Oo Mar Kale Hadheeyay Saaxada Iyo Mudaharaadyo Mucaaradku Ku Baaqay

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka dayriyay xaaladda dalka, isagoo sheegay in xilligan ay Somaliland meel halis ah marayso.

“Mudaharaadkii aannu hore u qorshaynay waannagii joojinay ee hakinay, annagoo leh, “Erga Diid waa Allah Diid”, Ergadii Guurtida waatii laga saaray ergadii. labada guddoomiye ee Saleebaan yidhi, “iyagaa gelaya, waa ogaydeen waa kuwii ka farashxay,. maanta waxaan idinku baraarujinayaa in aannay waxba inoo dhisnayn, Guurtida waxay ka dhammaatay 31 May 2022, sharcigoodii, Kommishankii dalka waa ogtihiin, waa la kala diray, Maxkamadii sarre, waa ogtihiin, oo saddexdii dhar-dhaar , Sharci dejintii, Garsoorkii iyo Fulintii midna maanta ma jiro.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha UCID, oo muuqaalka uu kaga hadlayo xaaladda la wadaagay warbaahinta Axaddii 31 July 2022.

Laxidhiidha: Somaliland: Dhawaaqyada Kasoo Baxay Kulankii Saddexaad Ee Xukuumadda Iyo Mucaaradka Iyo Dooddaha Is Khilaafsan

Mushkilada ayuu ku eeddeeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sarre ee Somaliland, isagoo yidhi, “Dhibaatada maanta taagan waxa dhigtay Maxkamadda Sarre, Aadan Xaaji Cali.” ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal, wuxuuna xusay dhibaatooyinka xilligan ee nollosha, isagoo tusaale usoo qaatay Aabaarta, Sicir-bararka, dhaqaale xumada, suuqa waaheen ee gubtay iyo nollosha dadka ee sii adkaanay.

Madaxweyne Biixi ayuu ku eeddeeyay inuu dalka gaadhsiiyay halka uu marayo, isagoo Guddoomiye Faysal sheegay in dadkii xaafado u kala baxeen, wuxuuna arrintaa eeddeeda dusha u saaray Madaxweyne Biixi, isagoo tusaale usoo qaatay baaqyada kasoo baxaya warbaahinta ee ay jeedinayaan Odayaasha iyo dhalinyarada ku hadlaya Afka qabiilka.

“Haddii maanta wax yar oo dhibaato ah ka dhacdo dalka Somaliland siday u ekaanaysaa, “Muuse Biixi”, wuu badheedhay, markaa waxa loo baahanyahay maanta in aynu kacno isuku duubnaano oo aannu tacableenii kahsaarin sidii aynu Lixdankii u khasaarnay.” ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal.

Laxidhiidha: Somaliland: Axsaaabta Mucaaradka Oo Sheegay In Aannay Marnaba Wadahadal Toos Ah La Gelayn Madaxweyne Biixi Iyo Xukuumaddiisa

Mudaharaadka ayuu sheegay inuu dhammaan gobollada dalka ka dhacayo, balse ma sheegin maalinta ay mudaharaadka u cayimeen, wuxuuna xusay in mudaharaadku noqonayo mid nabad ah oo ay masuuliyiinta mucaaradku hareeraha iska taagayaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post