X

Somaliland: Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Oo Sababeeyay Ka Qaybgalka Shirweynaha Urur Siyaasadeedka KAAH

“Hore umaan iman xaflad Urur Siyaasadeed qabsanayo,  iimana qorshaysna inaan mid kale imaado”Guddoomiyaha Cabdirisaaq Khaliif

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif, ayaa ka qaybgalay shirweynaha koowaad ee Urur siyaasadeedka KAAH, oo maanta ka dhacay huteelka Maansoor ee Hargeysa.

Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Somaliland, Cabdirsaaq Khaliiff, 13 September 2022, IImage Araweelo News Network.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo hadal ka jeediyay shirkaa oo ay sidoo kale ka qaybgaleen xubnaha shirguddoonka gollaha wakiillada, xildhibaano, siyaasiyiin waaweyn iyo ergooyin ka kala yimi gobolada dalka, ayaa sharaad ka bixiyay sababta uu uga soo qabgalay shirweynaha koowaad ee Ururka KAAH iyo waxa ku ajburay.

Shirweynaha KAAH ee ka furmay Hargeysa, 13 September 2022, IImage Araweelo News Network.

“Hore umaan iman xaflad Urur Siyaasadeed qabsanayo,  iimana qorshaysna inaan mid kale imaado”ayuu yidhi, Guddoomiye  Cabdirisaaq, isagoo u hanbalyeeyay Ururka KAAH, isla markaana guul u rajeeyay.

Guddoomiye Cabdirisaaq oo sharaxaya sababta uu uga qaybgalay munaasibada shirka, wuxuu ku macneeyay in marka hore xubnaha shirguddoonka iyo xildhibaanada soo raacay, sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi uu yahay nin abaal ku lahaa oo dhawr iyo toban sannadoodna wax baddan soo wada mareen.

“Marka hore ragaygii ayaan soo raacay, marka labaad Maxamuud Xaashi wax baddan ayaan soo wada maray,  gacanta danbena isagaa lahaa, markaa waan abaal celinayay, ayuu yidhi, isagoo tilmaamaya doorkii uu ku lahaa Siyaasiga Maxamuud Xaashi in Cabdirisaaq  Khaliif ahaan uu noqdo Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post