X

Somaliland: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Oo Sheegay In Mucaaradku Ku Fadhiisanayaan Shirguddoonka Iyo Maayarada Dalka

Araweelo News Network.

 

“Rag KULMIYE ah ayaa lahaa Isbahaysigu waa xaarraan, “Guddoomiye Cirro.

#Hargeysa(ANN)-#Guddoomiyaha Xisbiga #WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa ku tilmaamay natiijada #doorashooyinka iyo guusha ay kasoo hooyeen labada Xisbi mucaarad in ay tahay mid si cad u muujisay in shacbigu u coddeeyeen isbedel.

 

labada guddoomiye ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) Guddoomiyaha WADDANi, Midig, iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe UCID, Bidix Jun 7 2021, Image Araweelo News Network Hargeysa.

Sidoo klale, wuxuu sheegay in tartanka doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo gollaha wakiillada oo ay dhalinyaro badan kusoo baxeen ay tahay arrin kale oo muujinay, isla markaana markhaati u tahay sida ay shacbigu u doonayaan isbedel.

Guddoomiye Cabdiraxmaan oo ka hadlayay maanta casuumad sharafeed ay ku kulmeen xildhibaanada gollayaasha deegaanka ee Hargeysa iyo Burco uga soo baxay labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID, wuxuu sheegay in dhalinyarada soo baxday doonayaan in ay dadka u shaqeeyaan, isla markaana labada Xisbi kuraasta Maayarada dalka iyo shirguddoonka wakiillada ku fadhiisanayaan, isagoo xusay in aannay xoog ku fadhiisanayn, balse ay sharciga u marayaan.

 

“Is-bedelka ay umaddu u codeysay waxa marag ka ah dhalinyarada aan maayaada iyo maayir ku xigeenada, waad arkeysaan inta ay da’adoodu leeg tahay, waa isbedelkii dhabta ahaa ee ay umaddu coddaysay”. Ayuu yidhi.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in uu maqlayay dhawaaqyo ka imanaya xisbiga KULMIYE, kuwaas oo sida uu sheegay ku doodayay in aannay isbahaysiga labada xisbi ahayn arrin sharci ah, balse waxa uu sheegay in ay is weydiintu tahay markii 2005, doorashadii gollaha wakiillada ay sidan oo kale isu bahaysteen KULMIYE iyo UCID  in ay ahayd xaarraan.

“Waxan maqlayay rag bKULMIYE ah, oo leh isbahaysiga labada Xisbi waa xaarraan, markaa tollow markii ay 2005, labada Xisbi ee KULMIYE, iyo UCID, isu bahaysteen si ay shirguddoonka gollaha u qaataan, iyagoo iska bahaysanayay xisbul xaakimkii UDUB, ma xaarraan ayay ahayd. Waxaan u sheegayaa raggaa in shirguddoonka wakiillada iyo Maayarada ay ku fadhiisanayaan labada xisbi mucaarad, waxayna ku fuulayaan sharci ee xoog kuma fuulayaan kuraasta.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro).

 

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post