X

Somaliland: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANi Oo Ku Baaqay In General Doolaal Xabsiga Laga Soo Daayo

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, Image Araweelo News Network. 9 April 2021.

Araweelo News Network.

#General #Doolaal Waa Mujaaidiintii Xoreeyay #Somaliland

 

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDA, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa ku baaqay in lasoo daayo General Jaaamac Maxamuud Aadan (General Doolaal) oo ka mid ahaa Saraakiishii mujaahidiinta dalka usoo huray naftooda, xilligana ka mid ah Saraakiisha hoggaanka sare ee ciiddanka Qaranka Somaliland.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu sheegay in aannay jirin cid sharciga ka saraysa, isla markaana loo baahanyahay in lagu dhaqmo sharciga oo uu ka sareeyo oo qabanayo Madaxweyne, Guddoomiye Xisbi iyo Genera.

Balse waxa uu sheegay in xaaladda Caafimaad ee General Doolaal laga dayrinayo, sidaa awgeed loo baahanyahay in Mujaahid Doolaal oo tacab badan ku leh dalka, isla markaana ah Nin halgamaa ah in arrintiisa si gaar ah loo eego.

 

Halkan Ka Daawo Guudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaya arrinta General Jaaamac Maxamuud Aadan (General Doolaal) oo sida uu guddoomiyihu sheegay Carruurtiisu ka dayriyeen xaaladdiisa Caafimaad.

Araweelo News Network

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post