X

Somaliland: Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANI Oo Digniin U Diray Xukuumadda Shacbigana Farriin U Mariyay Warbaahinta

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ugu weyn Somaliland ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Image Araweelo News Network. Hargeysa 28 November 2020.

Araweelo News Network.

 

#Somaliland: Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANI Oo Digniin U Diray Xukuumadda Shacbigana Farriin U Mariyay Warbaahinta

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ugu weyn #Somaliland ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka digay in xukuumaddu warbaahinta madaxaa-banaan kusoo rogto cashuurro aan sharci ahayn oo aannay Baarlamaanku ansixin.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Crro oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuu ku tilmaamay cashuurtaa mid aan sharci ahayn oo la doonayo in cabsi-geliyo warbaahinta madaxa-banaan oo sida uu sheegay ah awoodda afraad ee qaranka, isla markaana kaalin weyn ugu jirta Bulshada Somaliland.

Dhinaca kale, wuxuu guddoomiyaha WADDANI, farriin u diray shacbiga Somaliland, isagoo ugu baaqay inay is diiwaangeliyaan, isla markaana ka faa’idaystaan fursada diiwaangelinta.

Halkan Ka Daawo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaya arrimahaa.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post