X

Somaliland: Guddoomiyaha WADDANI Oo Khudbad Soo Jiidatay Dheggaha Shacbiga Kaga Hadlay Soddon Sannadood Kadib Xuska 18 May

Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (cabdiraxmaan Cirro) 17 May 2021. Image Araweelo News Network

Araweelo News Network.

 

“#18May, Waa Maalin Innagu wada weyn, Waa Maalin Innagu qaali ah, Waa Maalin Muddan in La Xuso, Waa Maalin muddan in aynu Carruurteena u gudbino taariikhda 18 May,,,”’’ Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro

#Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka ah ee #WADDANI, #Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa ka hadlay xuska sannad-guurada soddonaad ee kasoo wareegtay markii ay Somaliland lasoo noqotay madax-banaanideeda ee lagaga dhawaaqay shirwenihii Birco 18 May 1991-kii.

 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, wuxuu khudbad ka hadlay waxa u qabsoomay shacbiga Somaliland soddonkaa sannadood iyo guulaha ay gaadhay qaran ahaan iyo sida ay isugu tashatay ee dunidu ugu ixtiraamto nabagelyada, xasiloonida, horrumarka iyo doorashooyinka, wallaw aannay aqoonsi buuxu ka helin caalamka, balse wuxuu Gudoomiye Cabdiraxmaan sheegay in ay Somaliland ku naaloonayso horumar iyo mustaqbal fiican.

 

Khudabada Guddoomiye Cabdiraxmaan ugu tala galay xuska sannad-guurada munaasibada 18 May eek u beegan maalinta Beri, waxa kale oo uu kaga hadlay dhinacyada Siyaasada, dhaqaalaha iyo dhismaha qaranka ee Somaliland soddonkii sannadood ee ay jirtay, waxyaabaha u qabsoomay ee lagu faani karo iyo doorashooyinka kala duwan ee ka qabsoomay Somaliland tan iyo markii ay qaadatay nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinka.

Guddoomiyaha WADDANI, wuxuu shacbiga Somaliland ku hanbalyeeyay guddo iyo dibed munaasibada 18 May, wuxuuna sheegay in ay tahay maalin ku weyn qaranka Somaliland, isla markaana noqonay mid jiilba jiil ka dhaxlayo.

“18 May waa maalin innagu wada weyn, waa maalin muddan in la xuso, waa maalin muddan in aynu taariikhdeena qorno, waa maalin muddan in aynu carruurteena u gudbino taariikhda 18 May,  si ay innooga dhaxlaan jiilalka soo socdaa.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Cabdiraxmaan.

Guddoomiayaha Xisbiga WADDANI, wuxuu usoo jeediyay shacbiga in ay mar walba ilaashadaan qaranimadooda, midnimadooda, horumarkooda iyo isku duubnidooda, isla markaana wuxuu ku dardaaray shacbiga in xilligan oo ay dalka ka qabsoomayaan doorashooyinka isku lamaan ee gollayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ay dadku si nabad ah codkooda u dhiibtaan, isagoo tilmaamay ahmiyada ay qaranka Somaliland u leeyihiin doorashadooyinku.

Guddoomiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro), wuxuu khudbadaa oo ahayd mid qiime weyn leh ku shaaciyay caawa degelka Xisbiga WADDANI, ee internetka.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Khudbada Guddoomiyaha Oo dhamaystiran

Araweelo News Network

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post