X
    Categories: Warar

#Somaliland: Guddoomiyaha WADDANI, Oo Ganafka Ku Dhiftay Heshiis Ay Gaadheen Xisbiyada KULMIYE iyo UCID

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa ganafka ku dhifatay heshiis ay Arrimaha muranka doorashada ka gaadheen labada Xisbi ee KULMIYE Iyo UCID.

Guddoomiyaha WADDANI, oo maanta dalka kusoo laabtay ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Madaarka Hargeysa, wuxuuna isagoo ka hadlaya heshiiska ay wada gaadheen UCID iyo KULMIYE ee ah in Komiishanka xilka hayaa sii shaqeeyo illaa muddo xileedkoodu ka dhamaanayo,

Komiishanka cusub ee la sii dhisi doonana laba xubnood lagu kordhiyo ka dib doorashada, ayaa yidhi “Shalay, Xukuumadda Somaliland iyo Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID waxay soo saareen waxay ku sheegeen Go’aan (Heshiis), Go’aan muu ahayn kaasi, waxaynu ku macnayn karnaa oo keliya inuu ahaa shahaadadii dhimashada ee Hanaankii Dimuqraadiyadda iyo Doorashoooyinka ee Somaliland, ilaahayna ha inooga sahlo.

Waxaanu u sheegaynaa in tallaabada ay qaadeen aanay ahayn mid u danaynaysa hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo in doorashooyin dalka ka qabsoomaan, maaha tallaabo u danaynaysa midnimada Shacabka iyo Wada-jirkooda, hase-yeeshee waa Tallaabo dil-dilaac ku keeni karta Bulshada Somaliland, waxa kale oo aanu u sheegaynaa in tallaabada ay qaadeen aanay Somaliland sinaba uga suurto-gal ahayn in laba Xisbi yidhaahdaan annaga ayaa Somaliland sidaanu doono ka yeelayna intay gaar u tashadaan..”Guddoomiyaha WADDANI wuxuu farriin u diray Beesha Caalamka “Beesha Caalamka waxaanu u sheegaynaa in Go’aankaa magacay doonaan ha u bixiyaane inaanu deedafayney oo aanaan ogolayn..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha WADDANI. Cabdiraxmaan Cirto. ayaa sheegay inuu beesha Caalamka iyo Shacabkaba u sheegayaa inay diyaar u yihiin doorashooyin, siduu horeba diyaarka ugu ahaa WADDANI. kuwaasi oo wakhtigoodii ku qabsooma. Waxaanu leenahay Xukuumadda iyo labada xisbi, taladi waad la ambateen, annaguna Miiskii wada-hadallada ayaanu diyaar u nahay sidii aanu awalba ugu ahayn..”.ayuu yidhi, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Dhinaca kale, wuxuu xukuumadda KULMIYE ee Muuse Biiixi hoggaamiyo ku tilmaamay mid dumuqraadiyadii iyo xoriyatu qawlka meel kaga dhacday oo dadka iska xidhxidhay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post