X

Somaliland: Guddoomiyaha UCID Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Xorriyadiisa Loo Celiyo Jillaa Dhalinyaro Ah

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, 12 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

“Madaxweynaha waxaan leeyahay Somaliland Bakhaar aad leedahay ” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa canbaareeyay xadhiga Wiil dhalinyaro ah oo muuqaalo riwaayad ah oo uu ku dhaliilayo xukuumadda Madaxweyne Biixi ku baahiyay baraha Bulshadda.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo booqday Carwo wax-soo-saarka dalka ee maxaliga ah oo lagu soo bandhigay waxyaabaha ay soo saaraan ganacsatada yar-yar, ayaa dhiirigeliyay dadka carwada kusoo bandhigay ganacsigooda iyo wax-soo-saarka dalka.

Wuxuu tilmaamay in dedaalka muwaadiniinta ay ka maqantahay oo ay tebayaan doorkii xukuumadda, sidaa awgeed loo baahanyahay in la taageero wax-soo-saarka dalka si horumar loo gaadho oo ay Bulshadu u noqoto mid dhanka wax-soo-saarka xoogga saarta.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay xadhiga Jillaaga dhalinyaradda ah oo magaca uu caanka ku noqday yahay Seyidka, kaas curriya majaajilooyin aad uga qosliya bulshada, isla markaana xanbaarsan farriimo la xidhiidha wacyiga Siyaasada iyo waxyaabaha ay Bulshadu tebayso ee ka turjumaya dhaliisha xukuumadda, balse ay Booliska Somaliland xabisga u taxaabeen maalintii doraad.

Seyidka, ayaa isaga iyo kooxdiisa oo u badan Dhalinyaro, isla markaana la baxay Kooxda “Waddada Xaqa” waxay muddooyinkii u danbeeyay  samaynayeen muuqaalo kooban oo isugu jira maadays iyo qosol oo laga matelay xukuumada, kuwaas oo ay ku muujinayaan shaqada wasiirada qaar kamid ah iyo wasaaraddaha ay masuulka ka yihiin oo ay ku metelayeen sawirka guud ee waxyaabaha ka jira.

Qaybo baddan oo ka mid ah Bulshada, ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay, iyadoo inta baddan Bulshadu la dhacday muuqaaladaa ay baahiyeen kooxda dhalinyarada ah, balse xukuumadda ayaa markaa kaddib xabsiga u taxaabtay wiilka dhalinyarada ah ee Jillaaga ah.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga wiilka dhalinyarada ah ee Jilaaga ah, wuxuuna xukuumadda uga digay in aannay waxyaabaha aduunku inagu majeerto ee xoriyatul-qawlka dastuurku jideeyay aan loo bedelin xadhig.

“Madaxweynaha waxaan leeyahay Somaliland Bakhaar aad leedahay maaha xadhiga ha joojiso xukuumaddu, waa in sharciga iyo dastuurka la ilaaliyo, waxay ahayd in la xidho kuwa qabyaaladda ka hadlaya ee hadheeyay nidaamka dawladnimo.” Ayuu yidhi.

https://youtu.be/tvmtWKY0PL4

Guddoomiye Faysal, wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Biixi in la joojiyo xadhiga sharci-darada ah, isla markaana xorriyadiisa loo celiyo jillaaga dhalinyarada ah.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post