#Araweelo_News_Network

Ceergaabo(ANN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo maalmahan safar ku marayay gobolada Bariga Somaliland,  ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay xushmeeyaan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. waxaanu xusay in dhammaystirka heshiiskii isfaham {MoU) ee Jan 2024, hex maray Somaliland iyo Ethiopia uu marayo marxalad gebagebo ah.

Guddoomiyaha UCID, wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu tilmaamay in Somaliland aanay weligeed qayb ka noqon Soomaaliya, hase ahaatee Somaliland midow qayrul dastuuriya la gashay Soomaaliya sannadkii 1960kii.

Guddoomiye Faysal wuxuu intaas ku daray in midowgii fashilmay uu dhammaaday sannadkii 1991kii, kaddib toban sanno ah oo Somaliland ay dagaal dhiig ku daatay la gashay nidaamkii Millateri ee keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre. isagoo xusay in tan iyo muddadaa  ay Somaliland ahayd qaran madax-bannaan oo dimuqraadi ah.

Geesta kalena, Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in Itoobiya ay mar walba qadariso madax-bannaanida Soomaaliya, waxaanu bayaamiyay in tan iyo 2006-dii Ethiopia ay dalka fashilmay ee Soomaaliya ka saacidaysay sidii nabad looga dhallin lahaa oo ay geysay ciidammo, taasina ay sababtay in Ethiopia ku wayday Soomaaliya dad badan.