X

Somaliland: Guddoomiyaha Guurtidu Qaabkee Uga Hadlay Xiisadda Magaalada Laascaanood?

Gollaha Guurtida Somaliland, Image Araweelo News Network, 27 Jun 2021.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha gollaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay markii u horaysay xaaladda Magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool tan iyo intii dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee shacbigu kaga gedoodeen dilalka qorshaysan oo shacbigu ka muujiyeen gedoodeen,

Laxidhiidha: Kulan Madaxweyne Biixi Guddoomiyay Oo Lagu Faaqiday Xaaladda Laascaanood

Wuxuu tilmaamay in Guurti ahaan ay doorkooda ka qaadanayaan daminta mushkilada iyo sidii xal nabadeed looga gaadhi dilalka soo noq nqoday iyo kacdoonka ka dhashay ee sababay dhimmashada iyo dhaawaca shacabka.

Guddoomiye Saleebaan oo maanta ka qaybgalay kulan Madaxweyne Biixi guddoominayay oo lagu qabtay qasriga Madaxtooyadda, isla markaana lagu faaqiday arrinta Laascaanood, ayaa markii kulankaa oo aannay saxaafaddu goob joog ka ahayn kaddib, wuxuu Guddoomiye Saleebaan inay ka golle Guurti ahaan madaxweynaha kala aragti yihiin hannaanka loo xallinayo dhibka Laascaanood, isaga oo si cad u sheegay in dhibaatada Laascaanood ka taagani tahay mid Somaliland oo dhan laga dareemayo oo dhammaynteeda laga midaysan yahay.

laxidhiidha: WADDANI Oo Dhaliilo Kulul Kaddib Sheegay Inay Qayb Ka Noqonayaan Xalka Laascaanood

“Waxannu caddaynaynaa in aannu intaa Madaxweynuhu yidhi la qabno, kulana shaqaynayno, dadweynahana waxaanu ka codsanaynaa inay ogaadaan in dawladdoodu danahooda ka talinayso, waanna aannu ka xunnahay dadkii mudaharaadka ku dhintay, reer Laascaanood-na kamay dhimanne dhammaanteen way inaga dhinteen. Somaliland-na waysku filan tahay oo cid usoo gurmata uma baahna.”

Laxidhiidha: WADDANI: Cabdiraxmaan Cirro Oo Ku Tilmaamay Xaaladda Laascaanood Xasuuq Kuna Baaqay In Deg Deg Xal Nabadeed Lagu Raadiyo

Dhinaca kale, wuxuu Guddoomiye Saleebaan, wuxuu si cad  u sheegay in qaranka Somaliland muhiimad gaar ah siinayo soo afjaridda dhibaatada Laascaanood, iyada oo arrintaasna majaraha u qaban doonaan hormuudka reer Sool.

Laxidhiidha: Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Xiisadda Laascaanood

“Waxa inoo ballan ah inaynu arrinta Laascaanood xal degdeg ah u helno, iyada oo mudnaanta koowaad la siinayo dadka Laascaanood u dhashay oo gacanta koowaad ay yeeshaan, innaguna kula shaqayno,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post