X

#Somaliland: Guddoomiyaha Cusub Ee Wakiillada Oo Ka Hadlay Waxa Uga Qorshaysan Hoggaaminta gollaha

Guddoomiyaha la doortay ee gollaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Image File Araweelo News Network, 7 August 2021.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha la doortay ee gollaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo maanta xilka la wareegay isaga iyo ku xigeenada shirgudduunka eel ala doortay, ayaa ka hadlay qaabka uu doonayo inuu gollaha u hoggaamiyo iyo tallaabooyinka u horreeya ee uu qaadayo.

Guddoomiye Cabdirisaaq, wuxuu sheegay in maanta wixii ka danbeeya xildhibaanadii u coddeeyay  iyo kuwii ka coddeeyay ay dhammaantood yihiin hal golle oo laga sugayo isbedel, wuxuuna sheegay in gollaha wakiilladu noqon doono mid gurmad qaran ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu doonayo in dadweynaha ku kala qaybsanay doorashadii gollaha wakiillada ay ka shaqaynayaan sidii loo midayn lahaa, wuxuu xusay in ay jiraan baahiyo badan oo ay dareemayaan dadkii soo doortay, wuxuuna Madaxweynaha iyo axsaabta qaranka kala shaqeeyaan sidii ay gollaha cusub kala shaqeeyaan sidii ay waajibkooda u gudan lahaayeen.

Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif, wuxuu uga gollihii hore uga mahadnaqay halka ay soo gaadhsiiyeen gollaha, isagoo dhankiisa balan qaaday in iyaguna ay gaadhsiin doonaan meel ka sii sar si hufan ugu adeegaan uguna gutaan waajibaadkooda qaran.

Halkan ka Dhegeyso Khudbada Guddoomiyaha Cusub.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post