X
    Categories: Warar

Somaliland: Guddoomiyaha Baanka Dhexe Oo Ka Hadlay Beddelaada Lacagta Qarbashta Ee Gobolka Laascaanood

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaadi)

Burco(ANN)-Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaadi) ayaa ka hadlay qorshe Xukuumaddu ku doonayso in lacagta loo yaqaan Qarbashta lagaga bedelo Bulshada Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Baanka Mr. Baqdaadi, wuxuu arrintaa ka sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlay isagoo ku sugan Magaalada Burco, kadib markii ay isaga iyo Wasiirka Gaadiidka iyio Horrumarinta Wadooyinka Somaliland Cabdullaahi Abokor Cismaan, kasoo laabteen safar ay todobaadkan ugu bexeen magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Mr. Baqdaadi, waxa kale oo uu ka hadlay xaalada gobolka Sanaag iyo halka ay ku danbeeyeen wada hadaladii u dhexeeyay Xukuumadda Somaliland iyo Malayshiyada Col. Siciid Caare ee ku sugan Buuraleyda deegaankaa, wuxuu isagoo guddoomiye Baqdaadi arrintaa ka hadlaya yidhi,  “arinka jabhada Caare,  aniga iyo wasiirku waxa aanu ka nimi  Ceerigaabo oo wadahadal ayaa socda Odayaashii uu ka soo jeeday  Caare iyo isaga laftiisa, ayaa wada fadhiya markaa wixii ka soo baxa ayaynu sugi doonaa oo aynu ku go’aan qaadanaynaa”.ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland oo wax laga weydiiyay arrinta bedelaada lacagta gobolka Sool oo wali laga isticmaalo lacagtii Somalia ee dawladdii burburtay iyo waxa uga qorshaysan xukuumadda,  ayaa  yidhi, “Arinta bedelaada lacagta hawl yar maaha waa laga bedeli karaa waananu ku talo jirnaa, lacagta ku dhex socotaana marka la isku geeyo waa lacag yar oo $40 Kun oo Dollar, maaha waxa ka dhex socdaa noodh ee waa Mobile money oo dollar ah, lacag ka dhex shaqaysa oo kaash ahba way yartahay, markaa Insha Allah waanu ku talo jirnaa doorkii hore ee aan tegeyna waanu soo darisnay arrintaa.” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baanka dhexe, waxa uu sheegay in kharashkii xukuumaddu u qorshaysay dayactirka Biriishka Burco ee roobabku waxyeeleen la ogolaaday oo labada todobaad ee socda uu filayo in laga shaqeeyo Biriishkaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post