X
    Categories: Warar

Somaliland: Guddida Wanaag-farista Oo La Dagaalamaya Xafladaha Ay Lamaanayaashu Qabsadaan

Araweelo News Network.

 

#Somaliland: Guddida Wanaag-farista Oo La Dagaalamaya Xafladaha Ay Lamaanayaashu Qabsadaan

Hargeysa (ANN) – Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan reebista Somaliland, ayaa ka hadlay waxyaabo ay qabteen oo   dhaqan-xumo ay sheegeen inay dalka ku soo kordhayaan.

Guddida ayaa  Bulshada Somaliland uga digay  inay ku kacaan wax kasta oo lid ku ah dinta iyo dhaqanka suubaan ee Islaamka.

Barre Carab Cabdullahi oo ah Guddoomiyaha Guddida wanaag-farista iyo xumaan reebista ee Degmada 26 june, ayaa ka hadlay dhaqan-xumada iyo waxyaabaha ay ka qabteen, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaynu nahay dad islaam ah oo ILLAAHAY karamaayey, sidaas darteed haddii aynu nahay umadda Nebi Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ummadaha kale waxaynu kaga fadli badan nahay, wanaagana waynu is farnaa, xumaantana waynu iska reebnaa, sidaas awgeed haddii aannu nahay Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Degmada 26-june ba, wax badan oo diinteena iyo dhaqankeena lid ku ah ayaanu wax ka qabanay, waxaana ka mid ah in aanu wax ka qabanay isla joogta habeenkii meelahaas isla jooga ee u badan dhalinyarada, oo isugu jira habalaha iyo inamada, kuwaas oo aan Allah isku banayn,waxaanu sidoo kale wax ka qabanay dad iyagu ku kacay dhaqan xumo siday doonaan ha ugu kacaane, sidaas darteed waxaa la inooga baahan yahay inaynu aad iskaga ilaalino wax kasta oo lidi ku ah diinteena iyo dhaqankeena”.

 

Sidoo kale, Maxamed Ibraahim Dhimbiil, oo  ka tirsan Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland gaar ahaan Degmada Darasalaam ee Hargeysa, ayaa isna isagoo ka hadlay waxyaabaha dhaqan xumada ee dalku ku soo kordhaya ayuu yidhi “Waxaa jira hadda in marka guur dhacayo, ama wiil iyo gabadh ay is guursanayaan, oo meherkoodu dhacayo in meherka ka hor, la sii qabsado xaflado, xafladdaas oo ah xaflado diinta ka hor imanaya, oo halkaas macsi iyo dambi ayaa ka dhalanaya, xaflado badan oo sidaas oo kale ah ayaanu baa’biinay, oo xitaa dadkii ku kacay dhaqan xumadaas waanu xidhnay, oo sharci ayaanu la tiigsanay, kolay hadda xafladahani way yaraadeen, sidaas oo ay tahay meel kasta oo ay ka jiraan inaynu oggolaano maaha, ee waa inaynu diinteena ilaashana”

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post