X
    Categories: Warar

#Somaliland: Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Afraad Ee Xisbiga KULMIYE Oo La Shaaciyay

Axmed Cabdi Dheere


Hargeysa)ANN)-Xisbiga KULMIYE ee Talada dalka Somaliland haya, ayaa magacaabay Guddida Qaban-qaabada Shir-weynaha 4aad ee Xisbiga oo loo qoondeeyay inuu qabsoomo June 2020-ka.

Sidaana waxa lagu shaaciyay War-saxafadeed uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa oo maanta lagu iclaamiyay magacyada Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha KULMIYE oo ka kooban 14 xubnood.

War-saxaafadeedka oo lagu socodsiiyey Guddoomiye Ku-xigcenla Koowaad ee Xisbiga Kulmiye, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Guddoomiye Ku-xigcenla saddexaad ee Xisbiga Kulmiye, Guddoomiye Ku-xigcenla 4aad ee Xisbiga Kulmiye iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye, waxa uu Madaxweynuhu magacaabista Guddida Qaban-qaabada shirka u daliishaday go’aan ka soo baxay Shir ay isugu yimaaddeen Guddida Fulinta ee xisbiga 28-kii January, 2020-kii iyo isagoo raacaya farqadda 3aad ee qodobka 16aad ee Xeerka Xisbiga Kulmiye. sida lagu sheegay qoraalka lagu shaaciyey shir-jaraa’id oo uu gelinkii Xarunta Xisbiga KULMIYE ku qabtay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere.


Magacyada Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha 4aaad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa kala ah sida hoos ku qoran:-

  1. Cabdkariim Axmcd Maxamed
  2. Dr. Maxamed Cabdi Carabayte
  3. Axmed Faarax Caddarre
  4. Cali Xaamud Jibriil
  5. Cali Maxamed Cali
  6. Axmcd Cabdi Kijaandhe
  7. Maxamcd Cabdilaahi Cabsiiye
  8. Maxamed Ibraahim Madar
  9. Axmcd Nuur Faahiye
  10. Khadra Jaamac Koosafaare
  11. Maxamed Muuse Abees
  12. Faysal Cumar Madar
  13. Ismahaan Jaamac Teneg
  14. Naasir Ayjeex Jaamac
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post