Hargeysa)ANN)-Xisbiga KULMIYE ee Talada dalka Somaliland haya, ayaa magacaabay Guddida Qaban-qaabada Shir-weynaha 4aad ee Xisbiga oo loo qoondeeyay inuu qabsoomo June 2020-ka.
Sidaana waxa lagu shaaciyay War-saxafadeed uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa oo maanta lagu iclaamiyay magacyada Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha KULMIYE oo ka kooban 14 xubnood.
War-saxaafadeedka oo lagu socodsiiyey Guddoomiye Ku-xigcenla Koowaad ee Xisbiga Kulmiye, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Guddoomiye Ku-xigcenla saddexaad ee Xisbiga Kulmiye, Guddoomiye Ku-xigcenla 4aad ee Xisbiga Kulmiye iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye, waxa uu Madaxweynuhu magacaabista Guddida Qaban-qaabada shirka u daliishaday go’aan ka soo baxay Shir ay isugu yimaaddeen Guddida Fulinta ee xisbiga 28-kii January, 2020-kii iyo isagoo raacaya farqadda 3aad ee qodobka 16aad ee Xeerka Xisbiga Kulmiye. sida lagu sheegay qoraalka lagu shaaciyey shir-jaraa’id oo uu gelinkii Xarunta Xisbiga KULMIYE ku qabtay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere.
Magacyada Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha 4aaad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa kala ah sida hoos ku qoran:-
- Cabdkariim Axmcd Maxamed
- Dr. Maxamed Cabdi Carabayte
- Axmed Faarax Caddarre
- Cali Xaamud Jibriil
- Cali Maxamed Cali
- Axmcd Cabdi Kijaandhe
- Maxamcd Cabdilaahi Cabsiiye
- Maxamed Ibraahim Madar
- Axmcd Nuur Faahiye
- Khadra Jaamac Koosafaare
- Maxamed Muuse Abees
- Faysal Cumar Madar
- Ismahaan Jaamac Teneg
- Naasir Ayjeex Jaamac