X

Somaliland: Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Shaaciyay Bilawga  Kaadh Bedeleshada Degmo Ilaa Degmo Iyo Fursada Kaadhadhkii Lumay

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Cali (Riya-raac) Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Somaliland: Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Shaaciyay Bilawga  Kaadh Bedeleshada Degmo Ilaa Degmo Iyo Fursada Kaadhadhkii Lumay

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, aaya shaaciyay xilliga rasmiga ah ee ay bilaabmayso kaadh bedelashada degmo ilaa degmo iyo fursad la siiyay dadkii ay kaadhadhku ka lumeen.

Guddoomiyaha Kommiishanka doorashooyinka Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Cali (Ina Riya-raac), waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta xarunta komiishanka doorashooyinka kula hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta.

Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Image File Ataweelo News Network.

Guddoomiyaha (NEC), wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Komiishanka doorashooyinka qaranku waxa uu soo kordhiyay wixii ka danbeeyey sannadkii 2016-kii dadka reer Somaliland ah ee u kala guur-guuray Magaalooyinka in la siiyo fursad ay ku bedeshaan deegaankooda. Waxa bishan 15-keeda 2021 la furi doonaa kaadh-bedelkii oo ah degmo ilaa degmo. Dadka yaanay ka khaldamin qofna degmada gudaheeda kama bedelen karo,laakin degmo ilaa degmo 23-ka degmo ee dalka ayay u kala bedelan karaan”

“Dadka kaadhadhku kalumeen komiishanku waxa uu u sameeyey inay kaadh bedel helaan oo shahaado ay ku codeeyaan la siiyo, oo halkii kaadhka u galaysa, iyaguna waxay caddaynayaan inuu kaadhkii lumay, siyaabo baddan oo wax loo caddeeyo ayaa jira, ta ugu muhiimsani waxa weeyaan inuu qofkaasi ku dhaarto inuu kaadhkiisi lumay, markaa waa loo bedelayaa.”Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdirashiid Maxamed Cali (Ina Riya-raac).

“Shuruudaha looga baahan yahay labada-ba oo kala ah: Goob bedel degmo ilaa degmo, iyo kaadh bedelka waxa weeyaan:

  1. Waa inuu jooga degmada doorashada uu rabo inuu u bedesho.
  2. Waa nuu tagaa xarunta ugu dhow ee shaqadaasi ka socoto.
  3. Waa inuu soo qaato kaadhkiisi hore si looga bedelo kaadhkaasi.
  4. Waa inuu buuxiyo form-ka codsiga goobta yaala ee ay inamadu Hayaan.
  5. Waa inuu caddeeyo sababta uu degmaasi cusub ugu soo guuray.”

Mar uu  ka hadlayay shuruudaha looga baahanyahay qofka uu kaadhku ka lumay, wuxuu yidhi, Guddoomiye Cabdirashiid,i “ a). Waa inuu yimaado xarunta ugu dhow degmadiisa ee ay shaqadu ka socoto.

b). Waa inuu buuxiyo form-ka codsiga, ee in kaadhkii ka lumay,

c). Waa inuu ku dhaarto inuu kaadhkaasi ka lumay oo aanu haysanin.”

Md. Cabdirashiid Riyo-RAAC “Waxaan bulshada ku wargelinaynaa bishan 15/2/2021inay ka bilaabmi doonto 120-goobood oo dalka ku yaala. Markii hore waxay ahayd in degmooyinka oo qudha laga qabto, laakin marku komiishanku eegay baaxada iyo inta uu dhulku isku jirjiro, tiradii waa la kordhiyay iyada o xuduudaha si gaara loo eegay. Markaa 120-goobood ayay ka qabsoomi doontaa. Muddada ay hawshaasi soconayso waa tobban cisho, oo ay goob-kasta ooleyso, afar cisho oo dheeriya, oo ay ooli doonto lixda degmo ee ay caasimaduhu ku yaalaan”.

Guddoomiye Cabdirashiid Riyo-RAAC waxa uu sheegay in sannadkan 2021 ciddii gashay diwaangelinta codbixintu inaanay ku jirin shaqadan la qabanayo. “Waxaan shacabweynaha reer Somaliland ka codsanaynaa komiishanka doorashooyinku waxa uu hayaa xil qaran, oo umadda ayuu u hayaa, umadduna iyada ayaa leh shaqadan oo dhammaanteen ayay inaga dhaxaysa, anagu adeegayaal Ayaan ka nahay, haddii aan la isku barbar-taagin komiishanku ceel ma biyeen karo. Sidaa darteed waxaan codsanaynaa in xasiloonida la ilaaliyo, in awaamiirta komiishanka loo dhago nuglaado, in la soo dhaweeyo dhalinyarada jaamacadaha laga keenay, in lala shaqeeyo ciidanka amiga”.Ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinku waxa uu u mahad-celiyay ka qeybgalayaashii diwaan-gelinta codbixiyayaasha,waxaanu yidhi“Komiishanka doorashooyinka Somaliland waxa uu u mahad-naqayaa ka qeybgalayaashii diwaangelinta cod-bixiyayaasa oo ay ugu horeyso xukuumadda Somaliland, qaadhaan-bixiyayaasha ee inaga taageera arrimaha dhaqaalaha,farsamada iyo arrimaha dimuqraadiyada, bulshada rayidka ah, Jaamacadaha, Shirkadaha, bulsho-weynta reer Somaliland, Ciidamada qaranka”

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka, Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa uga mahad-celiyay Xisbiyada qaranka Somaliland sidii wanaagsanayd ee ay u la shaqeeyeen mudaddii ay socotay diwaangelinta codbixiyayaashu.

HALKAN HOOSE KA DAAWO.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post