X

Somaliland: Guddida Doorashooyinka Oo Soo Saaray Go’aan Malaawaal Ah Oo Tilmaamaya Sida Loo Kala Horaysiinayo Doorashooyinka Lagu Murransanaa

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee la doortay Bidix Muuse Xassan Yuusuf, iyo Gudoomiye ku xigeenka la doortay Axmed Cisman Xassanmiddig, Image File, Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa soo saaray go’aan mala-awaal ah oo tilmaamaya muddada la qabanayo doorashooyinka murranka weyni ka taagan yahay iyo siday u kala horaynayaan, waxayna  Baarlamaanka (wakiiladda iyo Guurtida) ka dalbadeen innay dhammays tiraan shuruucda iyo xeerarka qabyada ah ee loo baahanyahay inta ka horaysaysa xilliga ay cayimeen ee mala-awaalka ah.

Go’aanka ay soo saareen ayay ku sheegeen in doorashadda Ururrada lasoo horaysiiyo, isla markaanala qabto 28 Desember 2023, Kommishanka Qaranku waxay go’aamiyeen in Doorashadda Xisbiyada qaranka la qabanayo tariikhdu markay tahay 28 December 2023, si loo helo saddex Xisbi Qaran oo ansaxsan, lana siiyo shahaadada Xisbinimo ee (10) sannadood ah, si waafaqsan qodobka 5aad faqradiisa 3aad xarafka (J) Kommishanka Doorashooyinka Qarankuna (KDQ) ku dhammaystiraan muddada ka horaysa wixii farsamo ah” ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale, waxay qoraalka go’aankooda oo saddex bog ah ku sheegeen in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la qabto bil ka hor dhammaadka muddada Madaxweynaha oo ku eeg November 13, 2024.

Laxidhiidha: Somaliland: Go’aanka Laga Sugayo Guddida Doorashooyinku Xal Ma U Noqonayaa Khilaafka Cakiran Ee Doorashada

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Muuse Xaaji ayaa ku saxeexnaa go’aankaa, iyadoo ay laba ka mid ah xubnaha metelaya mucaaradku ka baxeen kulanka ay toddobada xubnood doonayeen innay kasoo saaraan go’aanka doorashooyinka.

Guddida oo ka kooban toddoba xubnood, ayaa u muuqda innay  ku kala qaybsameen go’aanka, iyadoo laba xubnood oo metelayay mucaaradka oo goor danbe hadlay ku gacansaydheen shaacinta go’aankaa oo ay ku macneeyeen mid aannay waxba kala socon oo aannay u dhammayn xubnaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland.

Nuqulada Qoraalka Go’aanka Guddida Doorashooyinka halkan ka eeg.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post