#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa soo saaray go’aan mala-awaal ah oo tilmaamaya muddada la qabanayo doorashooyinka murranka weyni ka taagan yahay iyo siday u kala horaynayaan, waxayna Baarlamaanka (wakiiladda iyo Guurtida) ka dalbadeen innay dhammays tiraan shuruucda iyo xeerarka qabyada ah ee loo baahanyahay inta ka horaysaysa xilliga ay cayimeen ee mala-awaalka ah.
Go’aanka ay soo saareen ayay ku sheegeen in doorashadda Ururrada lasoo horaysiiyo, isla markaanala qabto 28 Desember 2023, Kommishanka Qaranku waxay go’aamiyeen in Doorashadda Xisbiyada qaranka la qabanayo tariikhdu markay tahay 28 December 2023, si loo helo saddex Xisbi Qaran oo ansaxsan, lana siiyo shahaadada Xisbinimo ee (10) sannadood ah, si waafaqsan qodobka 5aad faqradiisa 3aad xarafka (J) Kommishanka Doorashooyinka Qarankuna (KDQ) ku dhammaystiraan muddada ka horaysa wixii farsamo ah” ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay Guddida Doorashooyinka Qaranka.
Sidoo kale, waxay qoraalka go’aankooda oo saddex bog ah ku sheegeen in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la qabto bil ka hor dhammaadka muddada Madaxweynaha oo ku eeg November 13, 2024.
Laxidhiidha: Somaliland: Go’aanka Laga Sugayo Guddida Doorashooyinku Xal Ma U Noqonayaa Khilaafka Cakiran Ee Doorashada
Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Muuse Xaaji ayaa ku saxeexnaa go’aankaa, iyadoo ay laba ka mid ah xubnaha metelaya mucaaradku ka baxeen kulanka ay toddobada xubnood doonayeen innay kasoo saaraan go’aanka doorashooyinka.
Guddida oo ka kooban toddoba xubnood, ayaa u muuqda innay ku kala qaybsameen go’aanka, iyadoo laba xubnood oo metelayay mucaaradka oo goor danbe hadlay ku gacansaydheen shaacinta go’aankaa oo ay ku macneeyeen mid aannay waxba kala socon oo aannay u dhammayn xubnaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland.
Nuqulada Qoraalka Go’aanka Guddida Doorashooyinka halkan ka eeg.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com