X

#Somaliland: Guddida Doorashooyinka Oo Munaasibaddo Ku Daah-furay Qaadashada Kaadhadhka

Araweelo News Network.

 

#Somaliland: Munaasibado Lagu Qabtay Sanaag, Saaxil Iyo Sool

 

Berbera(ANN)-Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa munaasibado kala duwan ku qabtay Magaalooyinka Berbera, Ceergaabo iyo Laascaanood, kuwaas oo ay maanta si rasmi ah u daah-fureen qaadashada Kaadhadhka Codbixinta.

Guddida doorashooyinku, ee (NEC) waxay sheegeen in muwaadiniinta gobollada Saaxil, Sanaag iyo Sool oo maalinta Khamiista ee toddobaadkan ka bilaabmi doonnaan degmooyinka gobolladaa qaadashada Kaadhadhka.

AKHRI: Guddida Doorashooyinka Oo Shaaciyay Tirada Dadka Is Diiwaangeliyay Dalka

Munaasibadahaa ayaa si rasmi ah loogu shaacinayey bilowga kaadh-qaadashada, waxaana munaasibadaa goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka, hawl-wadeennada komsihanka, masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Qaybaha bulshada ee saddexda gobol.

Guddida, ayaa sheegay in kaadh-qaadashadu saddexda gobol ee Sanaag, Saaxil iyo Sool ka bilaabmay 11-ka bisha March oo ku beegan maalinta Khamiista ee toddobaadkan.

AKHRI: #Somaliland: Tirada Dadka Is Diiwaangeliyay Natiijada Hordhaca Ah ee 2021

 

Waxaana la siin doonaa muwaadiniintii aan hore isu-diiwaangelin ama kaadhadhku ka lumeen ee guddiga Doorashooyinka fursadda u siiyeen Diiwaangelinta oo dalka ka qabsoontay intii u dhaxaysay bishii November 2020-kii ilaa bishii January 2021-ka.

Sidoo kale, Hawsha Bixinta Kaadhadhka codbixinta muwaadiniintii hore isu diiwaangeliyey, ayaa  ka bilaami doontaTogdheer, Maroodijeex iyo Awdal marka lasoo dhamaystiro hawsha Kaadh-bixinta saddexda  gobol ee Sanaag, Saaxil iyo Sool oo iyaga la hor mariyay.

Munaasibadaha lagu qabtay saddexda gobol ayaa kusoo beegmay iyadoo ay maanta Guddida Doorashooyinku shaaciyeen tirada hordhaca ah ee dadkii is diiwaan geliyay 2021.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post