X

Somaliland: Guddida Doorashooyinka Oo Mudada Kaadh Qaybinta U Kordhiyay Gobollada Bariga

Farriinta Kommishanka doorashooyinka ee shuruuddaha murrashaxiinta u tartamaya doorashooyinka Wakiillada iyo golayaasha deegaanka Somaliland Image File Araweelo News Network 20 Feb 2021.

Araweelo News Network.

#Somaliland,#Saaxil,@Sanaag,#Sool

#Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa mudada kaadh qaadashada ee wejigii koowaad u kordhiyay saddexda gobol ee Bariga Somaliland, kuwaas oo kala ah Sanaag, Sool iyo Saaxil, kadib markii ay dhammaatay mudadii hawsha kaadh qaadashada. ee laga bilaabay gobolladaa 11 March 2021.

Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in maalmaha la kordhiyey degmo walba oo ka tirsan saddexdaa gobol goobo gaar loo cayimay laga sii qaadan karo kaadhadhka maalmaha dheeraadka ah ee la kordhiyay, si ay uga faa’idaystaan muwaadiniintu.

 

Sidaana waxa lagu xaqiijiyay qoraal kooban oo kasoo baxay maanta Guddida Doorashooyinka Qaranka, wuxuuna qoraalkaa oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekaddaha Araweelo News Network, u qornaa sidan:-

“KDQ ayaa ku dhawaaqay Muddada & Goobaha Kordhinta Kaadh-qaadashada Gobolada Saaxil, Sool iyo Sanaag. Muddadii saddexda Cisho ahayd ee hore loogu asteeyey goboladaa ayaa ku ekayd 13 March 2021.” ayaa lagu yidhi, Qoraalka.

Guddida, ayaa sheegay in Cod-bixiyayaasha Is-diiwaangeliyey Diiwaangelintii 2020/2021 amma,  kuwii Is-diiwaangeliyey 2016  balse aan wali qaadan Kaadhadhkoodii ay weli haystaan fursad dahabiya oo ay ku doonan karaan Kaadhadhkoodii muddada lagu gudo-jiro maalmaha dheeraadka ee loo kordhiyay.

 

“Waxay tegayaan Degmadii ay iska Diiwaangeliyeen, gaar ahaana Goobta Kordhinta ee ku cayiman Ogaysiiska NEC, ee hoos ku xardhan.” ayaa lagu yidhi, qoraalka Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Halkan Ka Daalaco Shaxda.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post