X

Somaliland: Guddida Doorashooyinka Oo Kordhiyay Qaadashada Kaadhadhka Iyo Goobbaha Khaaska Ah Ee Loo Cayimay

Farriinta wacyigellinta guddida doorashooyinka Somaliland Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

#Somaliland, #Maroodijeex, #Togdhee, #Awad Goobbaha Loo Qorsheeyay Maalmaha Lagu Daray Kaadh Qaadashada.

 

Ka Qaado Goobbaha Shaxda Lifaaqyada Hoose Ka Daallaco.

Hargeysa(ANN)- Guddida Dooraashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyay in muddo toddoba maalmood oo dheeraad ah ay ku kordhiyeen Kaadh qaadashada si ay fursad u helaaan muwaadiniinta Codbixiyayaasha ee iska diiwaangeliyay gobollada Awdal, Maroodijeex iyo iyo Togdheer.

Guddida, ayaa tallaabadan qaaday kaddib markii ay soo gebo-gebeeyeen muddadii saddexda maalmood ahayd ee hore loogu qorsheeyay qaadashada Kaadhadhka ee gobolladaa, waxayna sheegeen in meelo cayiman muddada la kordhiyay ay hawsha qaadashada Kaadhadku kasii soconay Maroodi-jeex, Togdheer iyo Adal.

 

Saraakiisha Komishnaka Gobolladaa iyo Hawl-wadeenada, ayaa muwaadiniinta ugu diyaar ah goobbaha gobol walaba loo asteeyay in ay muwaadiniintu muddada lagu daray ka qaataan Kaadhadha diiwaangelinta, taas ka bilaabmay 4 April  ilaa  10-ka April 2021.

Halkan hoose ka daalaco goobbaha gobol walaba laga helayo qaadashada kaadhadhka diiwaangelinta.

 

Gobolka Maroodijeex, waxay  Kaadh-boxontu ka sii socon doontaa goobbo cayiman, kuwaas oo ku yaal Degmooyinka gudaha iyo Nawaaxiga Caasimadda Hargeysa, Balligubadle, Alleybaday, Sallaxley iyo Wajaale.

 

Halkan Ka Daallaco Goobbaha Shaxda Gobolka Maroodi-jeex.

Gobolka Awadal, waxay hawsha kaadh-bixinta diwaangelintu kasii socon doontaa goobbaha cayiman oo ah, kuwo ku yaal Degmooyinka Boorama, Baki, Lughaya iyo Saylac.

 

 

Eeg  Goobbaha Shaxda Gobolka Awdal ee khaaska ah.

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post