X

Somaliland: Guddida Doorashooyinka Oo Ka Halday Muddada Doorashada

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee la doortay Bidix Muuse Xassan Yuusuf, iyo Gudoomiye ku xigeenka la doortay Axmed Cisman Xassanmiddig, Image File, Araweelo News Network.

Araweelo News Newstork.

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, oo dhowaan la ansixiyay, ayaa markii u horaysay ka hadlay hawlaha doorashada ee horyaal iyo xilliga ay aragti ahaan iyo farsami ahaan u arkaan in ay ku qaban karaan doorashooyinka.

Laxidhiidha: Wax Ka Beddel iyo Kaabis Lagu Sameeyay Laba Xeer oo khuseeya Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada iyo Axsaabta

Qoraal Sabtidii Maanta kasoo baxay Xafiiska Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayay kaga hadleen arrimahaa, waxayna qoraalkooda ku yidhaahdeen, “Maanta oo taariikhdu tahay, 24, 9 2022, Kommishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu ku wargelinayaa , waxay ku wargelinayaa Bulshada reer Somaliland, Xisbiyada Qaranka, Gollayaasha Qaranka, Danneeyayaasha arrimaha Doorashooyinka iyo Beesha Caalamka, war-murtiyeedkan” ayaa lagu yidhi, qoraalka oo nuqul ka mid ah soo gadhay Shebakaddaha Araweelo News Network.

Xubnaha Guddida Doorashooyinka Somaliland, Image Araweelo News Network, 24, September 2022.

Guddida Doorashooyinku, waxay ku sheegeen qoraalkooda in kaddib markii ay kulamo la yeesheen dhammaan danneeyayaasha doorashada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Soma;liland, isla markaana qiimayn buuxda ku sameeyeen dhammaan arrimaha farsamo iyo dhaqaale ee ay u baahantahay qabsoomida doorashada Madaxtooyadda.

“Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st  October 2022.” ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Muddadaa Sagaalka (9) billood ah, waxay sheegeen in ay ku diyaarinayaan dhammaan arimaha  farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

Laxidhiidha:Xeerarka Xiisaddu Ka #Aloosantay Oo Guurtida Loo Gudbiyay Iyo Xaaladda Cakiran Ee Siyaasadda

Qoraalka Guddida Doorashooyinku kaga hadlay soo jeedinta xilliga ay doorashada Madaxtooyadda ku qaban karaan iyo arrimaha ay ku saleeyeen, ayaa u qornaa sidan:-

Qoraalka Kommishanka Doorashooyinka Somaliland, Document Published by, Araweelo News Network, September 24 2022,
Qoraalka Kommishanka Doorashooyinka Somaliland, Document Published by, Araweelo News Network, September 24 2022,

Laxidhiidha: Somaliland: Gollaha Wakiillada Oo Si Lama Filaan Ah U Meel Mariyay Doorashooyin Isku Sidkan

https://www.youtube.com/watch?v=Yer0prwFcIM

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post