X

Somaliland: Guddida Diiwaangelinta Ururrada Oo La Dhaariyay

Afar xubnood oo ka mid ah guddida diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta qaranka oo la dhaariyay,25 May 2022.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Madaxweynaha Qaranka hortiisa ku dhaariyay Xubnaha guddida diiwaangelinta Ururrrada iyo axsaabta siyaasadda ee ay dhawaan ansixiyeen gollaha wakiilladu intoodii badnayd, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 4 (Afar) xubnood.

Guddoomiyuhu waxa uu xubnaha guddida mid mid   gacanta ugu saaray Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxana uu sida sharcigu qorayo  qof qof ku dhaariyey inay ururrada, Axsaabta  siyaasadda iyo bulshadaba ugu adeegi doonaan dhexdhexaadnimo iyo caddaalad inta ay xilka loo igmaday hayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi  oo gebogebadii dhaarta hadal u jeediyey xubnaha la dhaariyey, ayaa kula dardaarmay inay waajibka saaran gutaan, shaqadoodana si hufan u bilaabaan, isaga oo Eebbe uga baryey inuu u fududeeyey shaqada baaxadda leh ee qaranku u igmaday.

Madaxweynuhu  waxa uu xubnaha maanta la dhaariyey oo tiradoodu 4 (Afar) uu xusay inay yihiin aqlabiyadii xubnaha guddidaas, shaqada loo igmadayna ay sidaas ku gudan karaan, maaddaama oo ay aqlabiyaddii yihiin, isaga oo ku adkeeyey inay hawshooda hore ka bilaabaan, si meesha looga saaro culaysyada la xidhiidha bilaabidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, waxana uu yidhi, “Soo dhawaada xubnaha guddida diiwaangelinta ururrada ee kasoo gudbay codayntii Baarlamaanka, Toddoba xubnood bay ahaayeen, Afar baa ku guulaystay inay codkii kusoo gudbaan, Toddoba haddii ay ahaayeenna Afartu waa Aqlabiyad (Majority), culays badan baana  na saaran  oo in doorashooyinkii la dedejiyo oo maalin walba shaqo la qabto weeye.”

Kulankan dhaarinta ah oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada, waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post