X

Somaliland: Guddida Arrimaha Khilaafaadka Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Khaladaad Kasoo Baxay Ololaha

Araweelo News Network.

Farriinta wacyigellinta guddida doorashooyinka Somaliland Image Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Kooxda arrimaha doorashooyinka Somaliland u qaabilsan  ilaalinta Anshaxa iyo Xalinta Khilaafadka Doorashooyinka Qaranka, ayaa tilmaamay waxyaabo khaladaad ah oo oo aan waafaqsanayn nidaamka anshaxa ololaha oo lagu arkay saddexdii maalmood ee u dambeeyey Ololaha Doorashooyinka.

Kooxda guddida, ayaa sidaa ku sheegay war qoraal ah oo ay maanta soo saareen, isla markaana ku socodsiiyeen saddexda Xisbiga Qaran, iyagoo sidoo kale qoraalka ay kaga hadleen arrintaa ku wargeliyey Maxkamadda Sare ee JSL, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Doorashooyinka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Xisbiyada iyo murashaxiintu aannay u hoggaansamin jadwalka loo asteeyey Ololaha doorashada, waxa kale oo ay Guddidu sheegeen in murrashaxiinta iyo taageerayaashoodu ololaha ka sameeyeen goobo aanu loogu talo-galin  iyagoo tusaale usoo qaatay cusbitaallada iyo Masaajiddada dalka.

Qoraalka ay arrintaa kaga hadleen guddida Anshaxa iyo Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo nuqul ka mid ah ay shebekadda Araweelo News Network, wuxuu u dhignaa sidan:-

“Sida aynu Ia socono waxa aynu ku guda jirnaa ololihii Doorashooyinka isku-sidkan ee Dalka ka qabsoomaysa 31/05/2021. Saddexdii maalmood ee u horeeyay, waxa ololaha inooga soo baxday Qodobbadan Hoos ku Qoran.

Waxa bilawdeen wakhti khaldan oo aad uga horeeya Jadwalkii Ioo asteeyay ololaha Doorashada Xisbiyada.

Waxa laga dul ololeeyey goobihii ka reebaanaa ololayaasha sida Dhakhaatiirka, Masaajiddada, Jeelasha IWM.

Sidaa awgeed waxa Ia idiin farayaa in aanay dib u dhicin, una sheegtaan taageerayaashiina in ay ilaaliyaan Anshaxa habsami u socodka Ololaha.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka ay soo saareen Guddida Anshaxa iyo Xalinta Khilaafadka Doorashooyinka Qaranka, iyagoo aan si cad u tilmaamin xisbiga sameeyeeyay qodobada ay ka hadleen iyo taageerayaashu kuwa ay ahaayeen, ama gobolka, deegaanka ama meelaha ay ka dhaceen khaladaadku.

Dhinaca kale qoraalka ay kaga hadlayaan khaladaadka ayaa kusoo beegmay iyadoo ay maalinta Jimcaha ee beri oo keliya ka hadhay lixda maalmood ee loo qoondeeyay saddexda Xisbi in ay isugu soo baxaan Ololaha, iyadoo xisbi walba uu lahaa laba maalmood, isla markaana maalintaa ugu danbaysa ee Jimcaha 28 May 2021, lagu soo khatimayo lixdii maalmood maalinta ugu danbaysa ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post