X

#Somaliland: Goobjoogayaal Ka Socda 13 Dal Oo Markhaati Ka Noqonaya Doorashooyinka Oo La Kulmay Madaxweyne Biixi

Araweelo News Network.

#Canada,#South@Africa,#Ghana,#Uganda,#Zambia,#Kenya,#Liberia,#Tanzania, #Zimbabwe, #Namibia, #Sierra@Leone iyo #Mozambique.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay goobjoogayaal ka socda ugu yaraan saddex  iyo Toban Dal oo kala ah, #UK, #Canada, South@Africa,#Ghana,#Uganda,#Zambia,#Kenya,#Liberia,#Tanzania, #Zimbabwe, #Namibia, #Sierra@Leone iyo #Mozambique.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xafiiskiisa ku qaabilay goobjoogayaal ka socda saddex iyo Toban Dal, Image Araweelo News Network. 29 May 2021.

Agaasimaha guud hay’adda Brenthurst Foundation, Dr Greg Mills, oo ay wehelyaan madaxweynihii hore ee Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma iyo hoggaamiyihii hore ee mucaaradka, isla markaana ahaa murashaxii madaxweyniha ee mucaaradka dalka Ugandha, Dr. Kizza Besigye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xafiiskiisa ku qaabilay goobjoogayaal ka socda saddex iyo Toban Dal, Image Araweelo News Network. 29 May 2021.

Goob-joogayaasha ayaa Somaliland si ay markhaati uga noqdaan qiimaynta, isla markaana u kormeeraan  doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee ka qabsoomaya Jamhuuriyadda Somaliland 31-May-2021 oo ku beegan maalinta Isniinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu goob-joogayaasha warbixin guud ka siiyey hannaanka ay Somaliland ku caano maashay ee ay halkan ku soo gaadhay inay tahay kala danbayn, isu-tanaasul iyo shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha waddaniyaddu leedahay, taas oo sababtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgelin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xafiiskiisa ku qaabilay goobjoogayaal ka socda saddex iyo Toban Dal, Image Araweelo News Network. 29 May 2021.

Madaxweynuhu waxa uu u sheegay goobjoogayaasha inay indhahooda ku soo arkaan horumarka iyo Dimuquraaddiyadda ka hana qaadday guud ahaan Somaliland, adduunka intiisa kalena ay gaadhsiiyaan wixii ay la kulmaan, noqdaanna kuwo ka markhaati kaca waxa ay Somaliland ka sugayso beesha Caalamka oo ah aqoonsi buuxa maaddaama ay  buuxisay shuruudihii looga  baahnaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xafiiskiisa ku qaabilay goobjoogayaal ka socda saddex iyo Toban Dal, Image Araweelo News Network. 29 May 2021.

Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay dhinacooda madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsadeen, kuna gaadheen in Toddobada doorasho looga dareero Jamhuuriyadda Somaliland.

News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post